|
Mwai Kibaki : "Waxaa la gaaray Waqtigii Nabadda, fursadna uma banaana Kooxaha qas wadayaasha ah iyo Al-Shabaab Soomaalida waa inay nabada ka shaqeeyaan.."
Mogadishu Sabti 29 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mwai Kibaki : "Waxaa la gaaray Waqtigii Nabadda, fursadna uma banaana Kooxaha qas wadayaasha ah iyo Al-Shabaab Soomaalida waa inay nabada ka shaqeeyaan.."
Madaxweynmaha Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in ciidamadiis qeybta ka ah kuwa AMISOM ay sii wadi doonaan la dagaalanka Xarakadda Al-Shabab xataa haddii ay magaalada Kismaayo qabsadaan.
Hadal uu siiyay warbaahinta Kenya ayaa waxaa uu sheegay M/weynaha Kenya in ciidamada Kenya ay Al-Shabaab jabiyeen islamarkaana aysan ka hari doonin ilaa iyo inta ay sifeynayaan Gobolada Koofurta Soomaaliya .
"Waxaa la gaaray Waqtigii Nabada fursadna uma banaana Kooxaha qas wadayaasha ah iyo Al-Shabaab Soomaalida waa inay nabada ka shaqeeyaan oo ay na taageeraan" ayuu yiri Mwai Kibaki m/weynaha Kenya .
Maalmo aad u yar ayaa naga xiga sanad guurada markii ay ciidamada Kenya ay Soomaali gudaha usoo galeen iyadoona Wararka ay sheegayaan in wali Askarta Kenya aysan wada qabsan Magaalada Xeebta leh ee Kismaayo oo muhiimad gaar uleh Al-Shabaab iyo Dowladda Soomaalia oo garabsaneysa Ciidamada Kenya ee qeyb ta ka ah howlgalka AMISOM.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|