|
Al-Shabaab oo xalay isaga baxay Magaalada Kismaayo iyo Bililiqo halkaasi ka socota
Mogadishu Sabti 29 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Al-Shabaab oo xalay isaga baxay Magaalada Kismaayo iyo Bililiqo halkaasi ka socota.
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay halkaasi isaga baxeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka talin jiray, iyadoo Al-Shabaab ay gebi ahaan faarujiyeen magaaladaasi, lamana oga halka ay aadeen, hase yeeshee dadka deegaankaasi ayaa sheegaya inay Shabaaabku u ruuqaansadeen dhanka Degmada Jilib.
Dadka Kismaayo ku Sugan ayaa waxay Xaqiijinayaan in Xalay 2.dii Habeenimo ay ka warheleen Iyadoo Magaalada Shabaabkii Maamulayay isaga baxeen waxaana ka Soconaya Xarumihii Maamulka ee Kismaayo sida Saldhiga Xarunta Degmada iyo Xafiisyadii Biliqo Xoogan oo ay Sameynayaan Dadka oo halkaas ku dhaqan.
Kismaayo ayaa Saaka la soo Sheegayaa in uusan ka jirin wax Maamul ah oo aysan Labada dhinac ee isku haysa Midkoodna uusan Gacanta ku hayn waxaana wali soo Galin Magaalada Ciidamadda Huwanta ah oo iyagu ku Sugan meel aan Sidaas uga Fogeyn.
Ka bixitaanka Magaalada Kismaayo ee Xarun Goboleedka Jubadda hoose waxaa ay Al Shabaab Uga dhigan tahay iyagoo iskaga baxay Guud ahaan Dalka Soomaaliya Sababtuna waxaa ay Tahay mida koowaad waxaa ay ahayd Magaaalada ugu weyne uguna istiraatiijisan ee ay Gacanta ku hayaan Al-Shabaab mida labaana waxaa ay u ahayd Al-Shabaab Magaalo Xeeb ku taala oo Kheyraadna uu ka soo galo hadii Xaalku ku Xumaadana ay Doomo uga Bixi kareen Hadase waxaa la dhihi karaa Al-Shabaab uma banana meel ay u baxaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|