Somali News
    Hees  

Wabiga Shabelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan iyo Fatahaada oo khasaarihii ugu badnaa soo gaarsiiyay dad ku dhaqan Magaalada Baladweyne (Daawo Sawirada)

Mogadishu Sabti 29 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wabiga Shabelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan iyo Fatahaada oo khasaarihii ugu badnaa soo gaarsiiyay dad ku dhaqan Magaalada Baladweyne (Daawo Sawirada)

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya inuu ku fatahay webiga shabeele kadibna uu gaystay dhimashada dhowr qofood oo ka mid ahaa dadka degan magaaladaasi baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Fatahaada webiga ayaa waxaa sababay sida la sheegay roobab waa weyn oo magaalada ka da’ay , walina warar rasmi ah kama soo bxin maamulka Gobolka Hiiraan ee magaaladaasi ka rimiya.

Waxaa fatahaadaasi inta la ogyahay ilaa 10 ruux oo haween,carur iyo dad da’ah ayaa ku ku dhintay fatahaada wabiga markii gutayaha ay biyuhu ugu galeen iskamarkaana guryaha qaar biyuhu qariyeen,waxa ka hadlay dhacdadaani naxdinta leh Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji) kaasoo raadiyaha Bar-kulan u sheegay in dadka intooda badan ay ku dhinteen xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno Baladweyne ayaa sheegaya in xaaladu aad cakiran tahay guryo badan inay biyuhu buux dhaafiyeen, qoyasas badan inay ka barakaceen xaafadaha qaar oo biyuhu aad saameyn ugu yeesheen sida xaafadaha Xaawo Taako, Buundo Weyn iyo Kutimbo.

Dhinaca kale barakaca laftiisa ayaa la soo sheegayaa inay dadka dhibaato ka haysato madaama magaaladaasi uu wali saaran yahay bandow xitaa maalintii saameyn ku yeeshay magaalada iyadoo madaxda Dowlada ee magaaladaasi ku sugan ayasan gurmad siin dadka dhibaateen kana qaadin bandowga itoobiyaanku saaray magaalada.

Mudo ka badan 15-sanno ka hor ayay sidaan oo kale dhacday magaalada Baladweyne, iyadoo wixii intaasi ka danbeeyay aaney dhicin fatahaad ceynkaani oo kale ah.


















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)