Somali News
    Hees  

Soomaali ku jirta Xero Qaxooti ah waddanka Holland oo xaflad soo dhoweyn ah u sameeyey madaxweynaha (SAWIRRO)

Holland Sabti 29 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Soomaali ku jirta Xero Qaxooti ah waddanka Holland oo xaflad soo dhoweyn ah u sameeyey madaxweynaha (SAWIRRO)

Xafladii ugu horreysay ee ay soo qabanqaabiyeen Soomaali ku jirta xerooyinka qaxootiga ah (AZ), isuguna jira wiilal & gabdho ayaa lagu qabtay magaalada Almera ee waddanka Holland, waxaana xafladan oo dadkii ka soo qeybgalay ay isugu jireen Soomaali & ajnabi lagu soo bandhigay heeso waddani ah & ciyaaraha hidaha & dhaqanka, waxaana khubado ka soo jeediyey qaar ka mid ah Soomaalidii xaflada soo qabanqaabiyey oo ka hadlay in ujeedada loo qabtay xafladda in ay tahay in ay soo dhoweynayaan doorashadii dhowaan Muqdisho lagu doortay madaxweynaha Soomaaliya.

"Xafladdan waxey muujineysaa sida ay Soomaalidu u dareemayaan isbedelka cusub ee waddankooda ka jira marxalad walba oo ay ku sugan yihiin madaxweynaha cusubna waxaan ka rajeyneynaa inuu ILLAAHEY ka dhigo mid dadkiisa ka saara marxaladda adag” ayuu yiri Axmed Qoryooleey oo ka mid ahaa dadkii xafladda ka qeybgalay, wuxuuna u mahadceliyey Ayaan & Samsam oo ah gabdhihii xafladda soo abaabulay.

“Qofka caawa halkan jooga oo keliya ayaa dareemi kara qiimaha ay u leedahay munaasabadan qabsoomideeda, in dad xerooyin qaxooti ah ku jira oo qaarkood aysa haysan sharcigii haddana in ay sidan isu xilqaamaan oo ay muujiyaan jaceylka ay dalkooda u qabaan waa arrin runtii bogaadin mudan” ayeey tiri Maama Zahro oo ka mid ah dadkii xafladda goob jooga ka ahaa, waxeyna tilmaantay in ay klu faraxsan tahay in ay caawo halkan kula ciida dad Soomaali ah oo farriin hambalyo ah gaarsiinaya madaxweynahooda.







Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)