|
Mudanayaasha Baarlamaanka Cusub oo Maanta fadhi ka yeeshay Arimaha Doorashada Madaxweynah Dalka
Mogadishu Sabti 2 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mudanayaasha Baarlamaanka Cusub oo Maanta fadhi ka yeeshay Arimaha Doorashada Madaxweynah Dalka
Kulan ay Maanta Muqdisho ku yeesheen baarlamanaka Soomaaliya oo ka dhacay xaruntooda golasha shacabka Soomaaliya isla mar ahaantaana uu shir gudoominaayay Guddoomiyaha baarlamanka cusub ayaa goor dhow lasoo gabagabeeyay iyadoona logu falanqeeyay khodoba dhowr ah oo ay ka mid yihiin waxyaabaha laga doonayo musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Shirkan ayaa maanta waxaa soo xaadiray 207 mudane, furitaankii kadib ayaa waxaa hadal ka jeediyay guddoomiyaha gudiga doorashada baarlamanka Marwo Maryan Cariif Khaasim iyadoona gudiga soo hordhigtay khodobadii shalay ay soo saareen guddiga doorashada taas oo aheyd waxyaabaha looga baahanyahay musharaxa isku soo taagayo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Mudaneyaasha ayaa ka doodeen in musharax waliba oo u taagan xilka Madaxweynaha uu haysto ilaa 20 Cod iyo in mudane waliba uu codeynkaro ilaa sadax musharax oo u tarmameyso xilka madaxtimimada.
Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ka hadlay kulanka ayaa ugu baaqay wasiirka wasaaradda dastuurka iyo dib u heshiisiinta in uu sida ugu dhaqsiyahay badan uu u horkeeno mudaneyaasha baarlamanka dastuurka dalka loo sameeyay.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa waxa uu ugu baaqay in lasoo dhameystiro xildhibaanada dhiman oo uu khilaafka ka jiro si ay uga qeyb noqdaan mudayaasha baarlamanka.
Shirka maanta ay yeesheen baarlamanka Soomaaliya ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|