Somali News
    Hees  

Beesha Cayr oo ku kala qeybsantay Xildhibaanimada Baralamanaka cusub (Warbixin xasaasi ah)

Mogadishu Sabti 2 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Beesha Cayr oo ku kala qeybsantay Xildhibaanimada Baralamanaka cusub (Warbixin xasaasi ah)

Waxaa sii kordhaaya qayladhaanta ka soo yeereysa belaha Soomaliyeed, kadib markii dhawaan la dhisay baarlamaanka cusub ee Soomaliyeed lana dhaarshay, iyadoo beelaha qaar aysan weli ku qanacsaneynin Xubnaha baarlamaanka u matalaaya oo iyagu lagu qeyb saday 4.5, kuwaasi oo sii shaqeyndoonna 4ta sanno ee soo socta.

Ex Xildhibaan Maxamuud C/Laahi wehliye Waqaa oo ka mid ahaa xubnihii hore ee barlamanaka soomaliyeed haatna gudoomiye u ah Xisbiga cusub ee lagu magacaabo xiusbiga Horumarka iyo cadaaladda soomaliyeed ayaa siweeyn ugu eedeeyay Ogaaska beesha Ceeyr Ogaas cabdi daahir Ogaas nuur Cagajabeey inuu 2 xildhibaan ee ka mid noqday Xildhibanadda baarlamanaka uu mid kasta ka qaatay lacag dhan $100.000 Doolar kuwaasi oo kala ah Wasiirkii hore ee amniga qaranka Cabdi samad macalin maxamed iyo Mahad maxamed salad oo uu ku sheegay inuu ahaa wakilkii
xasan daahir ee dalka masar, taas oo uu sheegay inay kaf ku tahay arimaha gudaha ee beesha iyo faragelin  beesha uu ku sameyay ogaasku, taas oo uu ku tilmamayb inay beesha ceeyr ka dhax abuurtay qas iyo qalalaase aad u xun.

Ex Xildhibaan ayaa ogaaska beesha Cayr Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur ku eedeeyay inuu u janjeero dhinaca kooxdda al shaabaab oo uu sheegay inuu horay heshiis ulka saxiixday isagoo huwean magaca beesha, taas oo ay beesha ceeyrna iska fogeysay kuna tilmaantay mid aananwaxba ka jirin, sidaas si lamid ahna uu manata ku takri falay xubniohii beesha ceeyr ee ka mid nqon laha abaaralamaka cusub ee Soomalaiya.

 Ex Xildhibaan Waqaa ahana gudoomiyaha Xisbiga horumarka iyo cadaaladda waxaa kaloo ka hadlay Faragelinta loo geestay arimaha beesha beeyr ee la xiriiray soo xulidda xubnaheedda wakilka uga noqon lahaa, waxaana uu sheegay inay xubnahaasi uu six un u maamulay Ogaas Cabdi daahir, maanata aysan beesha ceeyr ku qanacsaneynin in xubnahaasi ay u matalaan baarlamaaka soomaliya, waxaana uu xusay in ay beesha go,aan adag ka qaadatay arintasi.

Xildhibaan maxamuud cabdulaahi wehliye oo ahaa xildhibaanadii hore ee baarlamaaka kuwoodda ugu firfircoonaa mar walbana ka dhaxmuuqanm jiray ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadalay ujeeddda uu xiligaan u aas aasay xisbigiisa waxaana uu sheegay in ay tahay sidii dalka iyo dadka soomaliyeed loogu horseedi lahaa horumar iyo cadaalad, isagoo cadeeyay inuu ku dadaali doono sidii uu dadka soomaliyeed u helilahaa cadaalad loo siman yahay.

Mar wax laga weydiyay waxaa ay ka yeelayaan xubnaha hadda ka mid ah baarlamaanka ee beeshiisa waxaa uu sheegay inaysan cidna wakiilkahaeynin maalmaha soo socdaana ay qabanqaabinayaan shir ay yeelato beesha  ceeyr kaas oo lagu caleema saaraayo Ugaas cusb oo hogaamindonna beesha ceeyr, si loo saxo buu yiri ogaaskii Hore ee beesha ceeyr Ogaas cabdi daahir Ugaas nuur.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)