Somali News
    Hees  

Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Qodobo ku jira Dastuurka iyo Shuruudaha u tartamayaasha Xilka Madaxtinimada Soomaaliya

Mogadishu Sabti 2 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Qodobo ku jira Dastuurka iyo Shuruudaha u tartamayaasha Xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Waxaa maanta lagu wadaa in ay kulan isugu yimaadaan magaalada muqdisho Mudanayasha Baarlamaanka Federaalka Soomalia kulankaasi oo ay uga doodayaan sidii sidii laga yeeli lahaa Qodobka dastuuriga ah ee Sheegaya in Musharixiinta Madaxwaynaha dalka marka ugu horeysa ee ay galayaan doorashada inay haystaan 20 Xildhibaan oo codkooda siinaya .

Guddiga doorashada Baarlamaanka ayaa maalintii shalay soo saaray shuruudaha looga baahanyahay qofka noqonaya musharax madaxweyne noqonaaya, iyadoo shuruudahaasi ay ka mid yihiin:
Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya muwaadin kasta oo Soomaali ah muslinna ah.

Waa in da’diisu aysan ka yareyn 40 sano.
Waa in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaasi.
In dhimirkiisu dhanyahay.
Inuusan jirin Dambi Culus ay Maxkamadi ku xukuntay.
Waa inuu bixiyaa lacag dhan 10,000$ oo diiwaan gelin ah.
Waa inuu soo gudbiyaa Taariikh nololeedkiisa.
Laba sawir oo kalar ah iyo codsi musharaxnimo oo laba nuqul ah.

Sidoo kale gudiga doorashada Madxwaynaha Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in aysan wax cabsi ah ka qabin in doorashada ay dib uga dhacdo xiligeeda .

Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo ah Afayeenka Gudiga doorashada ayaa wuxuu sheegay inay ku dadaalayaan in wax walba ay u dhacaan sidii loogu tala galay, iyadoo tirade mudanayaasha u taagan tartanka Xilka Madaxwaynaha ay kor u dhaafayaan ilaa 40 mudane, waxaana hadii maanta ay mudanayaasha Baarlamaanku isku raacaan in qodobadaasi sidooda ay kala hari doonaan tartamayaasha u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)