|
Burcad badeeda Soomaalida oo toogtay la hayaste u dhashay dalka Suuriya
Mogadishu Sabti 2 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Burcad badeeda Soomaalida oo toogtay la hayaste u dhashay dalka Suuriya.
Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa sheegay inay toogasho ku dileen nin u dhashay dalka Syria oo ay afduuub ahaan u heysteen.
Nin magaciisa ku sheegay Xasan Cabdi oo taleefoonka kula hadlay wargeyska The Washington Post sheegtay inuu yahay taliyaha koox burcad badeed Soomaali ah ee haysta shaqaalou dhashay dalka Syria ayaa sheegay inay toogteen mid ka midah la haystayaashaas halka ay mid kalena dhaawaceen kadib markii laga dib dhigay lacagaha madax furashada ah ee ay ka rabeen.
Xasan Cabdi waxaa uu sheegay asagoo ku sugan degmada Xarardheere ee G/Mudug ayaa waxaa uu xusay in dilka la haystahaan ay fariin u tahay shirkadda iska leh markabka ay haystaan ee MV Orna oo ay burcad badeedu biyaha jaziiradda Seychelles lagana leeyahay wadanka isku taga imaaraatka Carabta.
"Dilkaan waa fariin cad oo ku socota shirkadda markabkaan iska leh waayo muddo badan ayaan sugaynay lacagta madax furashada haddii ay sidaan arrintu ku sii socoto dilalka waan sii wadaynaa" ayuu yiri ninka sheegtay Xasan Cabdi.
Markabka MV Orna oo uu ka dulbbanayo calanka dalka Panama waa markab xamuul waxaana uuu gacanta burcad badeeda Soomaalida ku jiraa tan iyo sanadkii 2010.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|