Somali News
    Hees  

Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Meles Zenawi oo maanta lagu wado in aydkiisa lagu aaso Magaala Madaxka Ethiopia ee Adis Ababba

Mogadishu Sabti 2 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Meles Zenawi oo maanta lagu wado in aydkiisa lagu aaso Magaala Madaxka Ethiopia ee Adis Ababba.

Waxaa Maanta lagu wadaa in magaala Madaxda Ethiopia lagu aaso madaxweynihi hore ee geeriyooday Meles Zenawi, waxaana aaska ka qeyb galaayo madax fara badan oo ka kala socda dalal Caalamka.

R/wasaarihii hore oo geeriyoodayay Meles ayaa bishii hore magaalada Brussels ee dalka Biljimka ugu geeriyooday Xanuun aan la ogeyn isagoo 57 jir ah. Meles Zenawi ayaa qabtay xilka madaxtinimada sanadkii sanadkii 1991 waxana la sheegay in uu horumar gaarsiiyey dalka Ethiopia inkastoo cambaareyn badan loo jeediyey sida uu ula dhaqmay mucaaradka dalkiisa.

Aaska qaran ee loo samaynayo R/wasaarihii hore ee Ethiopia ayaa ah kii ugu horeeyey oo muddo siddeetan sano ah laga qabo dalka Ethiopia waxaana uu aaska qaran ee loo samaynayo uu ka bilaabanayaa fagaaraha Meskel ee bartamaha magaalada Addis Ababa.

Dhinaca kale Meles Zenawi ayaa ka mid ahaa Madaxda Afrika ee taariikhda ku leh aduunka, islamarkaana waxaa lagu xasuustaa inuu yahay nin aqoontiisa ilaa heer jaamacadeed ku soo qaatay dalka Soomaaliya, wuxuuna ahaa nin taageero fara badan ku dhex lahaa dalkiisa iyo qaaradda Afrika.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)