|
Cali Dheere: "Mas'uuliyiinta hor boodeysa dowlada cusub waa dad Qurbaha ka yimid oo aan wax dan ah u hayn ummadda Soomaliyeed, ujeedkooduna waa.."
Mogadishu Sabti 2 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Cali Dheere: "Mas'uuliyiinta hor boodeysa dowlada cusub waa dad Qurbaha ka yimid oo aan wax dan ah u hayn ummadda Soomaliyeed, ujeedkooduna waa.."
Afhayeenka guud Ee Dhaq dhaqaaqa al shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage oo shir jaraaid Saxaafada Qaar u qabtay ayaa waxa uu ka hadlay dowlada cusub ee loo sameynayo Soomalia .
Cali Dheere ayaa waxaa uu sheegay in masuuliyiinta hor boodeysa dowlada cusub ay yihiin dad Qurbaha ka yimid oo aan wax dan ah u hayn umada Soomaliyeed ujeedkooduna uu yahay sidii ay ukala qaybi lahaayeen dalka Kheyraadkiisana u baneylahaayeen sida uu hadalka udhigay .
Al shabaab ayaan hada iyagu qayb ka ahayn Dowlada cusub ee loo sameynayo Soomalia waxaana ay horay u cadeeyeen mowqifka ay ka taagan yihiin iyadoo hadana ay mar kale ku celiyeen Mowqifkooda ku aadan dowlada soomalia loo dhiso oo aysan ka qayb ahayn iyagu.
Dhinaca kale Afhayeenka Al-Shabaab ayaa waxa kale uu sheegay in reer galbeedku ay doonayaan inay soo dhoo dhoobaan, maadaama uu dhaamaday waqtigii Dowladda KMG-ka, waxaana Afhayeenka uu tibaaxay in damaca beesha caalamka uu yahay sidii ay u soo magacaabi lahaayeen Maamul cusub oo danahooda gurracan ugu adeega.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|