|
Dowladda Kenya oo sheegtay inay heshay 3 ka mida ah 5-askari oo ay horey ugu weysay dagaaladii ka dhacay deegaano u dhaw magaalada Kismaayo
Mogadishu Sabti 2 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda Kenya oo sheegtay inay heshay 3 ka mida ah 5-askari oo ay horey ugu weysay dagaaladii ka dhacay deegaano u dhaw magaalada Kismaayo
Dawlada Kenya ayaa sheegtay inay heshay 3 ka mida h 5askari oo ay horey ugu weysay dagaaladii ka dhacay deegaano u dhaw magaalada Kismaayo halka ay 2 kalena ay xaqiijisay inay geeriyoodeen io shalay meydadkooda la geeyay magaalada Kismayo.
Afhayeenka ciidamada Kenya Emmanuel Chirchir oo la hadlay warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay in hawlgalo ay sameeyeen ciidamadooda gaarka ah ay bad baadiyeen oo ay heleen illaa iyo 3 askari oo ka tirsanaa 5 askari oo shalay la waayay waxaana uu sheegay in askartaan ayagoo bad qaba ay hadda ku sugan yihiin xero ciidamadu ka sameysteen deegaanka Miido la yiraahdooo uu sheegay inay shalay qabsadeen.
"Sadex Askari hadda ayagoo nool ayay xeryaheena ku sugan yihiin waana la bad baadiyay askartaana waxay qeyb ka ahaayeen 5 askari oo aynushalay weynay" ayuu yiri Emmanuel Chirchir afhayeenka ciidamada Kenya.
Sidoo kale Chirchir waxaa uu xaqiijiyay in labada askari ee kale ay ku geeriyoodeen dagaalkii shalay kuwaasoo meydadkooda la geeyay magaalada Kismaayo sida uu sheegay.
"Labada askari ee kale waa ay geeriyoodeen meydadkooda Kismaayo ayay geeyeen laakiin waan ka dabo tagi doonaa" ayuu sidoo kale yirri Emmanuel Chirchir waxaana uu intaa ku daray in dawlada Kenya ay dadka Kismaayo dagan weydiisanayaan inay xogka siiyaan halka meydadka askartooda lagu aasay.
Dhanka Xarakadda Al-Shabab ayuu sheegay inay ka dileen in ka badan 73 dagaalyahan kuwaasoo uu sheegay in xataa ay qaarkood meydadkooda hayaan.
Meydadka askar iskugu jira Soomaali iyo Kenyan ayaa shalay Al-Shabab kusoo bandhigeen magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale war saxaafadeed ka soo baxay taliskaguud ee ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay la wareegeen deegaano ku yaala Jubbooyinka oo ah meelihii lagu dagaalamay.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|