|
Desmond Tutu: "Maxkamad hala soo taago raggii ka dambeeyey dagaalkii Ciraaq"
Sabti 2 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Dagaalkii lugu qaaday dalka Ciraaq wuxuu caalamka ka dhigay mid kala daadsan iyo degnaansho la'aan" aan lugu arag qalalaaso horey u dhacay oo taariikhdu qortay" Sidaas waxaa jariidada ka soo baxda dalka Ingiriiska ee The Observer ku qoray wadaadka baadariga ah ee u dhashay Koonfur Afrika Desmond Tutu.

Desmond Tuti baadari Koonfur Afrika u dhashay
Desmond Tutu ayaa qoraalkiisa ay jariidadu daabacday ku sheegay inuu doonayo inuu arko raggii ka dambeeyey in dagaalkaasi la qaado la horkeeno maxkamada dembiyada dagaalka ee Hage.
Raggan ayaa ah ra'iisal wasaarihii hore dalka Ingiriiska Tony Blair iyo Bushii hore ee dalka Mareykanka oo ku sheegay iney been ka sheegeen Ciraaq, kuna eedeeyeen ineey leedahay hubka wax gumaada kuwaasoo qiil uga dhiganayey duulaankii ay ku qaadeen 2003-da.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku wax yeeloobay muddadii uu socday dagaalkii Ciraaq iyo ka diba ineey ku filan tahay in la hor keenno maxkamadda dembiyada dagaalka, islamarkaana u arka khatarta caalamka ku soo socota natiijaddii duulaankaasi ka dhashay.
"Waxey nugu riixeen Haawiya ee xageen taaganahay" ayuu isweydiiyey Tutu oo ah wadaad kal hore la siiyey bilada nabada ee Nobile price-ka, islamarkaasina ah dadkii ugu cad cadaa ee ka soo horjeeday nadiimkii midab takoorka ku dhisnaa ee ka talin jiray Koonfur Afrika.
Xukuumaddii Bush ayaa dagaal ku qaaday dalka Ciraaq sanadkii 2003-da, waxaana dagaalkaas qiil looga dhigay in Saddaam Xuseen uu heysto hubka wax gumaadda. Waxaa sido kale talaabadan ku raacay Tony Blair-kii Ingiriiska oo laftiisa baarlamanka dalkiisa u sheegay in hadaan Saddam Xuseen laga hortegin uu sameysanayo Nukliyeer.
Ciidamadda dalalkaasi ayaa gumaad baahsan oo kula kacay mudadii ay joogeen Ciraaq. Duulaankooduna wuxuu gobolka ku reebay xasilooni darro taariikhda ay qortay. Tutu wuxuu sheegay in natiijada dagaalkaas uu Suuriya lugaha u geliyey dagaal sokeey iyo qalaalaaso gobolka ah Iraan-na ay ka mid tahay.
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam_calikaar@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|