Somali News
    Hees  

Qarax lagu weeraray Kaniisad ku taala xaafada Islii ee magaalada Nairobi oo Soomaalida u badan tahay

Mogadishu Axad 30 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qarax lagu weeraray Kaniisad ku taala xaafada Islii ee magaalada Nairobi oo Soomaalida u badan tahay

Hal ruux ayaa geeriyootay tiro kalena waa ay dhaawacantay qarax bomb oo maanta ka dhacay kaniisad ku taala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qaraxaan oo ka dhashay bomb gacmeed lagu tuuray iskuul la sheegay in caruur yar yar wax ka bartaan oo u dhaw kaniisad ku taala wadada Juja Road la yiraahdo.

Taliyaha ciidamada booliska Kenya Moses Nyakwama,ayaa sheegay in ruuxa geeriyooday iyo kuwa dhaawacmayba ay ahaayeen caruur yar yar oo iskuulka wax ka baranayay .

Ku xigeenka afhayeenka booliska Kenya Charles Owino,ayaa sheegay in koox ay bamb gacmeed ku tuureen dugsiga ay kaniisadu maamusho waxaana uu intaa ku daray inay ku tuhunsan yihiin weerarkaasi Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

Charles Owino waxaa kale oo uu sheegay inay baaritaano wadaan hase ahaatee aysan cidna soo qaban qaraxaasi.

"Cidda aanu tuhunsanahay waa Shabab waayo ayagaa looga bartay in weeraradaan oo kale geystaan" ayuu yiri Charles Owino ku xigeenka afhayeenka booliska Kenya.

Dhinaca kale Al-Shabab dhawr jeer ayay weeraro ku qaaday caasimada Kenya iyo magaalooyin kale

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)