Somali News
    Hees  

Johny Carson: "Al-Shabab hadda ma laha awood ciidan oo wax difaacan karta laakiin waxay sameynayaan waa inay weeraro ka geystaan gudaha Soomaaliya.."

Mogadishu Axad 30 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Johny Carson: "Al-Shabab hadda ma laha awood ciidan oo wax difaacan karta laakiin waxay sameynayaan waa inay weeraro ka geystaan gudaha Soomaaliya.."

Kaaliyaha xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka Johny Carson oo saxaafadda kula hadlay magaalada Washinton ayaa sheegay in dawladiisu aaminsan tahay in awoodii Al-Shabab si weyn loo wiiqay hase ahaatee ay willi jirto awood ay u leeyihiin fulinta weeraro kale sida uu yiri.
Johny Carson waxaa uu sheegay in dagaaladii ka dhacay gobolka Jubbadda hoose si weyn loogu wiiqay awoodii Al-Shabab waxaana uu intaa ku daray in magaalada Kismaayo ay aheyd meeshii ugu weyn ee gacantooda ku harsaneyd.

Kaaliyuhu waxaa uu xusay in Xarakadda Al-Shabab ay ahmiyad ciidan iyo dhaqaale ay ku haysatay magaalada Kismaayo haatana ay waayeen waxaana uu xusay inay qorshaha ugu jirto in magaalada Kismaayo ka fuliyaan weeraro uu ugu yeeray kuwa argagixisinimo sida uu yiri.

"Al-Shabab hadda ma laha awood ciidan oo wax difaacan karta laakiin waxay sameynayaan waa inay weeraro ka geystaan gudaha Soomaaliya taasoo iyada naftigeeda ah halis jirta" ayuu yiri Johny Carson kaaliyaha xog’hayaha arrimaha dibbadda dawlada Maraykanka sidaasoo ay tahayna waxaa uu carabka ku dhuftay inaan la dhihi karin inaan si buuxda la dhihi karin waa laga adkaaday Xarakadda Al-Shabab.

Mas’uulkaan ka tirsan waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka waxaa uu sheegay in Maraykanku uu dawlada Soomaaliya ku gacan siinayo taageerada ciidan si ay u dhicin inay abuurmaan maaleeshiyo beeleedyo hubeysan oo amaanka qal qal galiya.

Xarakadda Al-Shabab oo horey lagala wareegay magaalooyin ku yaala bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ayaa inta badan magaalooyinka ay ka baxaan waxay ka geystaan weeraro iskugu jira qaraxyo iyo dilal qorshaysan tasoo haddaba laga dareemay magaalada Kismaayo oo ay habeen ka hor ka baxeen.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)