Somali News
    Hees  

Munaasibad Shahaadooyin Lagu Guddoonsiinayey 428 Arday Oo Ka Qalin-Jabiyey Kuliyaddaha Kala Duwan Ee Jaamacadda ALPHA + Sawiro

Hargeysa Axad 30 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Munaasibad Shahaadooyin Lagu Guddoonsiinayey 428 Arday Oo Ka Qalin-Jabiyey Kuliyaddaha Kala Duwan Ee Jaamacadda ALPHA + Sawiro

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo qabtay dufcadii koowaad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Alpha University College ee Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo tiradoodu dhamayd 428 Arday oo ka qalin-jabiyey Kuliyaddaha Kala Duwan Ee Jaamacadda.

Munaasibada oo maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiiro ka tirsan Somaliland, Sheekh Aadan X. Maxamuud (Aadan-siiro), Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha Maxamed Xuseen Mu’adinka, Macalimiinta, Waalidiinta Ardayda iyo marti sharaf
Jaamacada ALPHA Maxamed Xuseen Mu’adinka oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa ardayda ku hambalyeeyay qalin-jabintooda, isaga oo sheegay in ardayda Jaamacada ka baxday ay dhan yihiin 428 arday oo bartay lix kuliyadood kala duwan, kuwaasi ah oo dufcadii koowaad ee Jaamacada ka qalin-jabisa.

Guddoomiyaha jaamacadu waxa uu sheegay in jaamacadu culuumta ay bixisaa yihiin kuwo ku dhisan Manhajka jaamacada ALPHA ee dalka Itoobiya oo qaybteeda koowaad ku taallo Magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

idoo kale, Guddoomiye Maxamed Xuseen Mu’adinka, waxa uu tilmaamay in jaamacadu soo martay Marxalado kala duwan iyadda oo hore jaamacada loo odhan jiray LUCY, balse ay hadda xidhiidh la leedahay jaamacada ALPHA ee dalka Itoobiya, taasi oo ka mid ah jaamacadaha ugu wanaagsan ee bixiya aqoonta sare ee tayadeedu sareyso.

Guddoomiyuhu waxa uu ardayda kula dardaarmay inay aqoonta sii wataan oo aanay halkaa kaga hadhin, loona baahan yahay in aqoonta ay barteen ka muuqato, maadaama oo ay ka gudbeen ardaynimadii oo hadda ka dib loogu yeedhayo Mutacalimiin.

Munaasibada oo ay hadalo ka jeediyeen Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada ALPHA ee Addis-ababa iyo Maamulayaasha kuliyadaha kala duwan ee ardaydu barteen, ayaa isaguna waxa ka hadlay Agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada Waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye, waxaanu u hambalyeeyay ardayda qalin-jabisay, isaga oo tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in arday intaasi leeg mar kaliya dalka iyo dadka u soo qalin-jabiyaan “Dedaalka waxbarashada Somaliland waxa uu ku yimid iskaashiga Muwaadiniinta”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Jaamacada ALPHA waxay ka mid tahay jaamacadaha aanu wasaarad ahaan xidhiidhka la leenahay”.








 

Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388 
mustaqbal7@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)