Somali News
    Hees  

Howlgal balaaran oo dad iyo Hub lagu soo qabqabtay oo iminka ka soconaaya Degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose

Mogadishu Isniin 3 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Howlgal balaaran oo dad iyo Hub lagu soo qabqabtay oo iminka ka soconaaya Degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ayaa howlgal lagu soo qab qabtay dad iyo hub ka wada magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa fulinayay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda Qaranka waxeyna ciidamadu baaritaanno ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Marka iyagoo gacanta ku soo dhigay in ka badan baqol qofood oo la aaminsanyahay in ay ku jiraan dad ka tirsanaa Maleyshiyaadka Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada nabadsugidda ee howlgallada kawada gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in ay kala saarayaan dadka la soo qabtay isla markaana xabsiga loo dhaadhicin doono ciddi ay ku caddaato in uu ka mid ahaa kooxda Shabaab.

Howlgalkan oo bilowday maalintii shalay ayeey ciidamadu ku soo qabteen hub farabadan iyo walxaha qarxa, iyadoo dhanka kalena ciidamadu ay wali magaalada Marka iyo nawaaxiigeeda ka wadaan howlo lagu saarayo Miinooyinka ay kooxdu ku aastay gudaha Marka iyo waddooyinka soo galaba..

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)