Somali News
    Hees  

Xisbiga dimoqratiga Banadir oo taageeray madaxweyne Sheekh Skariif Sheekh Axmad

Italy Isniin 3 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xisbiga dimoqratiga Banadir oo taageeray madaxweyne Sheekh Skariif Sheekh Axmad.

Xisbiga Dimoqratiga Banadir asagoo ka talaabo qaadayo marxaladda adag uu Qaranka ku jiro iyo xilliga xasaasiga ah ee kala guurka ah oo dhawaan lagu tala jiro in Qaranka loo doorto MADAXWEYNE Aqoon, Karti, Soomaalinimo iyo wadaninimo leh.

Wuxuu aaminsanyahay siyaasad ahaan in ay ku haboonta tahay iyadoo la eegayo maslaxadda iyo danta guud ee Qaranka iyo wanaagga, wada noolaashada iyo dib u heshisiinta  shacabka Soomaaliyeed in mar labaad loo soo doorto Sheekh Shariif Sheekh Axmed jagada Madaxweynanimada.
Marxaladda maanta lagu jiro borobagaan iyo dimagojiiyo dan uguma jirto Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed isla markaana waa inaan ka digtoonaanaa nidaamka Fashismaha iyo bobulismaha ay qaar ka mid ah musharixiinta tiigsanayaan.

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu maanta u oomanyahay nabadda iyo xasiloonida iyo muwaadan kastoo Soomaali ah uu si nabadgalyo ah uu danahiisa gaarka ahi uu raacan lahaa.

Madaxweyne Sheekh Shariif inta uu xilka madaxweynanimada uu haayay wuxuu muujiyay dhaqan siyaasadeed ee ku dhisan dimoqraatinimo iyo xurnimo, dulqaad iyo waxqabad balaaran.

Wuxuu muujiyay in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan ay la yeelan karto beesha caalamka, Shaqsi ahaan waa mas’uul ay beesha caalamka ku kalsoon tahay lana shaqaykarto.

Wuxuu Madaxweynaha Sheekh Shariif uu wadanka gudahiisa ka qabtay waan wada aragnaa maragna ayaan ka nahay, waana muhim, in mar labaad dib loo soo dorto SHEEKH SHARIIF si uu  howshiisa Qarameed uu halkeeda ugu wado.

Xisbiga Dimoqratiga Banadir wuxuu ugu baaqayaa xildhibaanada cusub iyagoo si daacad ah u gudanaayo waajibaadkooda ay u daneeyaan Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed iyagoo kalsoonidooda siinayaa Madaxweynaha SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMAD oo run ahaantii muujiyay waxa ugu qaalisan oo nin biniaadam ah rajeynkaro waa :

DIMOQRAATIYAD IYO XURRIYAD
LIBERTY AND DEMOCRACY.

Gudoomiyaha X.D.B.a
Dott.Abukar Nuur Xuseyn.

yzma32@yahoo.it

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)