Somali News
    Hees  

Ururka Nabadda & Cadaaladda oo lagaga dhawaaqay waddanka Holland (SAWIRRO)

Holland Isniin 3 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ururka Nabadda & Cadaaladda oo lagaga dhawaaqay waddanka Holland (SAWIRRO)

Magaalada Denboosh ee waddanka Holland, oo ka mid ah magaalooyinkii ay Soomaalidu degan tahay waxaa lagu qabtay shir ay soo qabanqaabiyeen{Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee Nabadda & Cadaaladda} (Somalische Jeugd voor Vrede en Gerechtigheid), waxaana shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan magaaladaasi & hareeraheeda ka hadlay xubno ka mid ah ururka nabadda & cadaaladda, qaar ka mid ah culumaa'udiinka Soomaaliyeed, Jaali oo sharaxaad ka bixiyey ujeedooyinka loo aasaasay ururka & hadafka ay tiigsanayaan 

Shirka waxaa xiriirinayey: Ibraahim Daahir Xuseen, waxaana ugu horreyn ka hadlay Sheekh Max'uud oo ka mid ah culumaa'udiinka Soomaalida, wuxuuna soo jeediyey wacdi qiimo badan oo ku saabsan muhiimada ay leedahay in Soomaalidu is walaaleysato, ayna meel uga soo wada jeestaan sidii iyaga oo diintooda & dhaqankooda iyaga oo haysta ay u badbaadi lahaayeen.

"In la isku jeclaado dar ALLE, xadiith baa wuxuu leeyahay, iimaankiina qaarkiinu kaamil ma noqdo ilaa waxa aad naftaada la jeceshahay aad nafta walaalkaa la jeclaato, in xaqa la isku dardaarmo, mar walbana la isku nasteexeeyo, dariiqa hadduu adiga kuu cad yahay inaad walaalkaa u cadeyso" ayuu yiri Sheekh Max'uud.

Amb Xassan Tifow oo ah qunsulkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Suudaan burburkii dowladdii dhexe ilaa xilligii dowladdii Carta oo ka mid ah martidii shirkaasi ka hadashay wuxuu ku dheeraaday muhiimada ay dhalinyaradu u leedahay wadajirka & midnimadda, wuxuuna tusaale u soo qaatay 13-kii dhalinyaro ee aasaasay ururkii SYL, isagoo dhalinyarada ururka ku dhawaaqay inay soo jeedinta ay maanta soo jeediyeen dhismaha ururka in ay ku daraan ficil & waxqabad.

"13-kii dhalinyarada ahaa ee 1943-dii aasaasay ururkii SYL fursada ay dhalinyaradan maanta haystaan ma haysan, isgaariisn ma jirin, internet ma jirin, gaadiidka xittaa aad ayuu u yaraa, haddana waxey gaareen guul taariikhi ah dhalinyaradan maanta ururka waxaan rajeynayaa in ay wax ku qaataan taariikhdii SYL" ayuu yiri Amb. Tifow, wuxuuna intaa ku daray; 

"Boorkan marka aan arkay nabadda & cadaaladda runtii waan u qusuushacay, 21 sano annaga & caalamka waxaan raadineay nabad & cadaalad, haddana rajo ayaa inoo muuqata baarlamaankii ugu horreeyey ayaa lagu soo dhisay Muqdisho, fikirkaan raadinta nabadda & cadaalad waa wax weyn oo maanta ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay in ay hesho, runtii in baaqaas uu gaari karo Soomaali meel kasta oo ay joogaan baaquna uu noqon karo mid guuleysta"

Cabdirisaaq Cusmaan Sahal oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, muddo ka badan 23 sanno-na deganaa Holland, turjubaanna u ah dowladda Holland ayaa sheegay in dhibaatooyin kala duwan ay haystaan mushtamaca Soomaalida, sida keliya ee ay ugu bixi karaana ay tahay in la joogteeyo kulamada ceynkaan ah ee, ay bulshadu ku doodo, ayna ku saxaan wixii ka qaldan.

"Aniga & 4 dhalinyaro ah shaqadeenu waa inaan soo abaabulno kulamadan oo kale, kadibna aan waribixino ku siino dhalinyaradda si aan ula socodsiino marxaladaha cusub & dhibaatooyinka dalka ka jira, muwduuca aad ka hadleysaan ayaan aad uga hadalnaa, ujeedadeenu waxay tahay in wixii aan ka qaban karno aan ka qabano dhibaatooyinka dib inoo dhigay" ayuu yiri Cabdirisaaq, wuxuuna weydiiyey qaar ka mid ah dadkii ka soo qeybgalay kulanka su'aal aheyd. Dhibaatooyinkan waddankan inaga haysta maxeynu ka ognahay, qaar waa la sheegay maxaa kale.?

Su'aashaasi jawaabteeda oo uu dhexdhigay Cabdirisaaq ka qeybgalayaasha ayaa laga bixiyey jawaabo kala duwan, dadka qaar baa sheegay in dhibaatada Soomaalida haysata ay sal u tahay iyaga oo aan haysan dowlad dhexe oo ay ku soo hirtaan, oo Soomaalidii sharciga loo diiday loola dhaqmay si ka baxsan bini'aadanimada, oo haddii ay dalkan safaarad u joogi lahaayeen aan lagula dhici laheyn waxyaabaha qaar, kuwa kale ayaa yiri Soomaalidu waa dad aan horu-socod aheyn oo luqada waddanka ma bartaan, waxeyna meherad ka dhigteen in ay qaataan ceyrta keliya, dhalinyaro kale waxey ku jawaabeen in Soomaalida dhexdooda ay is xasdaan, isuguna habar-wacdaan qabyaalada keliya oo aysan aqoon wax la yiraa danta guud.

Cabdirisaaq, oo dhinaciisa jawaab ka bixiyey dhibaatooyinka Soomaalida haysta wuxuu sheegay in inta baddan aydhibaagtadu ay ku dhacdo haweenka haysta caruurta, wuxuuna tilmaamay in qoysaska Soomaalida ay ku badan tahay furriinka, sidoo kale wuxuu sheegay in muddadii uu hayey howlaha bulshadda loogu qidmeynayo in Soomaalida uu u arko dalka keliya ee lagu durduriyo oo aysan jirin cid u doodeysa (GURI BA'OW YAA KU LEH!).

"Soomaalida waxaa loo kala qeybiyaa labbo kooxood, koox Soomaaliya ka timid dagaalkii ka hor kuwaasoo aan anigu ka mid ahay, iyo kuwii dagaal markii uu dhacay kadib yimid, labaddan qolo dhibaatooyinka haysta waa kala duwan yihiin, kuwii hore waxbarashadooda waa sareeysay, shahaadooyinkoodii ayey wateen waana loo diiday in ay dalkan ka helaan shaqooyin sarsare, kuwa kale ee dagaalkii kadib yimid, qaarkood iyaga oo Jaamacado ka soo baxay ayaa (interview) ay ku sheegteen wax ma qorno waxna ma akhrino, waxaa loola dhaqmaa sida dad hadda wax kasta eber ka soo billaabayo, waana arrin qariban, waa inaad runa sheegtaa oo aad miiska saartaa wixii aad soo baratay" ayuu yiri Cabdirisaaq, wuxuuna intaa ku daray in uu aad ugu faraxsan yahay in Soomaalida uu ka dhashay ay ku badan yihiin dad uu ku tilmaamay (succesfull) oo nolosha ka gaaray guulo, sida in ay Jaamacado halkan ka dhammeeyeen shaqooyin fiicanna ay haystaan.

"Aniga waddankan markaan imaanayey 1989-kii waxaa jiray nin Soomaali ah oo turjubaan ahaa oo Max'ed la yiraa, wuxuu ahaa tusaalaha ugu fiican ee bulshada Afrikaanka ah, maalin baan u tegay waxaan ku iri "ninyahow waddankan dhowaan ayaan imid, bacdamaa adigu aad wax ka qabsatay waxaan doonayey inaad talo isiiso. Wuxuu yiri "Hal mid baan kugula talinayaa, luqada waddanka si fiican u baro, haddii aad luqadda meel saarto dalkan adigaa ka guuleysanaya Insha ALLAAH" ninkii sidii uu i yiri baa sameeyey" ayuu yiri Cabdirisaaq, wuxuuna u soo jeediyey dhalinyarada cusub ee dalka soo gashay sanadihii ugu dambeeyey in ay culeyska saaraan barashadda luqadda, wuxuuna soo bandhigay sheekooyin ku saabsan dhibaatada ay leedahay adigoo aadan aqoon luqada looga hadlo waddanka aad ku nooshahay.

"27 kun ayaa laga qiyaasaa Soomaalida dalkan degan, inkastoo Soomaalidu ay reer guuraa iska tahay oo ay hadba dhan u socdaalaan, waxaana aad ugu faraxsanahay inta aan ka shaqeynayey howlahan tarjubaanka inaan arkay Soomaali aad & aad wanaag u sameeyey, laakiin dhibaatooyinka ugu badan ee na haysta waa qeybta waxbarashadda, baaritaanadii lagu sameeyey Soomaalida waxaa lagu sheegay in marka ay waxbarashada billaabaan annagoo shahaado qaadan aan ka tagno, markii la baaray waxaa la yiri dadkii gurigii wax ka caawinaya ma lahan ma haystaan rol model, doorkii aabaha wuu maqan yahay, waxaan soo marnay nolol aan meelahan ku fiicneyn oo qabiil & in lagu caawiyo ah, halkan waa ka duwan tahay waa adiga un inaad is meelmariso" ayuu yiri Cabdirisaaq.

Axmed Guurre Dhiblaawe oo ah Guddoomiye ku xigeenka ururka nabadda & cadaaladda, kana mid ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ka soo aflaxday Jaamacadaha dalka Pakistaan ayaa dhinaciisa wuxuu kulanka ka jeediyey khudbad soo jiidatay ka qeybgalayaasha, wuxuuna xusay in hadafkoodu aanu aheyn xil ama dhaqaale ee uu yahay in ay u istaagaan sidii ay dhibaatada ula qeybsan lahaayeen dalkooda.

"Dadkii waxaan ka mid ahaa waqti badan geliyey sidii ay isugu xirnaan lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Holland. Anigoo Hargeysa jooga ayaa la igu casuumay inaan ururkan ka mid noqdo, ujeedada aan tiigsaneyno waxey tahay war annagii haddii aan halkan nabad, waxbarasho & nolol ku haysano ma dhici kartaa inaan ku fikirno bal maxaa (contribution) ah oo aan dalkeenii ka geysan karnaa.? ayuu yiri Axmed Guurre, wuxuuna intaa ku daray in dal kasta marka ay dhibaato ku dhifato ay u kacaan dadkiisa waxbartay, gaar ahaan dhalinyarada ayna ku dedaalaan sidii ay dadkooda & dalkooda dhibaatada ula qeybsan lahaayeen.

"Marka aad aragto liiska dalalka dunidda ee ku fashilmay in ay gaaraan dowladnimo dhammeystiran (Failed states), ee aad aragto in dalkaagii hooyo uu kaalintii 1-aad ku jiro, ma waxaad leedahay ILLAAHOOW maxaa kaa dhaliyey Soomaali.? mise adiga ayaa iska billaabaya oo waxaad isku dayeysaa inaad u istaagto sidii aad waddankaaga uga qaadi laheyd halka uu yaal.? ayuu yiri Guurre, wuxuuna intaa ku daray in dadka qaarkii ay u arki karaan riyo iyo wax aan dhici karin in shir ama dhisme urur dal dibedda ah ka dhaca aanu waxba ku soo kordhineyn dalka, balse xaqiiqadu ay tahay mid taa ka bedelan, wuxuuna tusaale u soo qaatay kacdoonadii ka dhacay dalalka Carabta, wuxuuna Guurre isweydiiyey sida ay ku dhacday in xukunka dalka Masar lagaga tuuro Xusni Mubaarak oo muddo ka badan 25 sano soo xukumayey dalkaasi kacdoon ay sameeyeen dhowr dhalinyaro ah, oo caawinaad ka helay aaladaha isgaarsiinta & warbaahinta.

"Kacaankii Carabta 40-ka sano ka soo talinayey waxaa bedelay dhalinyaro, haddii dhalinyaradu ay qalbi saliim ah & caqligoodu isku geeyaan waxaan xaqiiqo ah in ay wax baddan wax ka bedeli karaan" ayuu yiri Guurre, wuxuuna intaa ku daray in mushkiladda ugu weyn ee haysata Soomaalida in ay tahay iyaga oo qabiilkii ugu dhaqmaya sidii diintii oo kale, wuxuuna u soo jeediyey in xuduuda qabiilka laga dhigo oo keliya sidii uu ILLAAHEY jideeyey ee ah in la isku aqoonsado, wuxuuna tilmaamay in dadka aan isku kalsooneyn ay qabiilka naf ka raadiyaan.

"Waxa ugu weyn ee dadkeenu ay u aamineen qabyaalada waxey tahay waxbarasho la'aan, aniga waxaan aaminsanahay qofka wax marka uu waxbarashadda ka aflaxo wax badan buu kala garan karnaa mana aha markaas qof sahal lagu duufsan karo, inkastoo ay jiraan kuwa waxbartay haddana calanka u haya ku dhaqanka qabyaalada, balse kuwaasoo niyada kama jirto qabyaaladda ee waa ku awr-kacsanayaan, waxeyna qabiilka u isticmaalayaan si ay ugu gaaraan mansab siyaasadeed" ayuu yiri Aqoonyahan Guurre, isagoo u soo jeediyey dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ku soo biiraan ururka, uuna u furan yahay albaabada ururka.

Max'ed Amiin oo ah xogheynta guud ee ururka oo khudbad aad u qiima badan dhinaciisa ka jeediyey wuxuu ka sheekeeyey sababaha ay ugu dhiiradeen dhismaha ururka, wuxuuna tilmaamay in ay gudanayaan waajibaadkii uu ILLAAHEY ka saaray in wixii ay dalkooda & dadkooda ku kordhin karaan in ay ku kordhiyaan.

"Gurigaagii oo gubanaya oo aad u jeedo inaad gacmaha ka laabato, si kasta oo aad adiga nolol u haysato damiirka ayaa diidaya, waa inaad xil isi saartaa, oo aad sameysaa waxa ugu yar ee uu qof sameyn karo, adigoo aadan xaaladda uga sii darin, qof kale oo Soomaali ahna aadan dhib gaarsiin" ayuu yiri Max'ed Amiin, wuxuuna intaa ku daray "Ururkan waxaa la aasaasay hal sano ka hor dadka cusub ayaana aasaasay, diiwaangelintii ururka & fadhiisintiisa ayaa muddo nagu qaadatay, ujeedada aan ku shaqeyneyno waa mid Soomaalinimo ah"

"ILLAAHEY wuu na weydiin doono waxa dalkii ka dhacaya ee aan ka aamunsanahay, ujeedooyinka ururuka loo aasaasay waxey tahay nooc walba oo bulshadda ka mid ah in ay nala qaataan sidii loo garab istaagi lahaa ummadda dhibaateysan qofkii xittaa hal cunug badbaadin kara" ayuu yiri Max'ed Amiin.

Cabdifitaax Axmed Cali oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Denboosh, kana mid ahaa dadkii lagu casuumay fadhiga ayaa ka sheekeeyey howlaha ay qaabilsan tahay Jaaliyadda uu madaxda ka yahay ee magaaladaasi ka dhisan, wuxuuna sheegay in ay soo dhoweynayaan ururka cusub ee dhalinyaradu ay dhiseen, isagoo dhinaca kalena tilmaamay in ay tahay arrin aad u adag in dad waddanka ku cusub ay sameeyaan urur, loona baahan yahay in dhalinyaradu iyaga oo howlaha ururkana dardargelin ku sameynaya haddana iyagu in ay dhanka luqada & wax ka qabsiga dalka meel iska saaraan.

"Waxaan ka tirsanahay dadka maamulka ururka magaaladan ka dhisan, waan soo dhoweynayaa ururka cusub ee aad ku dhawaaqdeen, haddana waxaan idin kula talinayaa in aad dhalinyarooy waxbarashadana ku dedaashaan, oo gacanna aad ururka howshiisa ku wadaan, gacanta kalena aad wax ku barataan" ayuu yiri Cabdifitaax, wuxuuna xusay in nolosha Yurub aysan aheyn sida la moodayo, oo ay aad u adagtahay, ayna u baahan tahay inaad keligaa isku tashato.

"Ururka Jaaliyadda waxaa la aasaasay 1994-tii waana urur muddo badan soo jiray isbedel badanna la soo kowsaday, qasaare & faa'iido badanna u soo joogay, heerka uu maanta noo marayo waan ku faraxsanahay, hadda waxaan haysanaa hoolkan oo caruurteena aan qur'aan ku barno, waa wax adag inaad hesho boos sidan oo kale ah oo la isticmaalo" ayuu yiri Cabdifitaax, wuxuuna intaa ku daray in todobaad ka hor uu la soo xiriiray Guddoomiyaha ururka Daa'uud oo ku soo wargeliyey xafladda ururka.

Daa'uud Sheekh Xassan oo ah Guddoomiyaha ururka nabadda & cadaaladda, kana mid ahaa dadkii kulankaasi ka hadlay wuxuu ka warbixiyey hadafka loo aasaasay ururka, oo uu ku sheegay mid ku dhisan walaaltinimo, is-jaceyl Soomaalida dhexdeeda laga sameeyo, la dagaalanka qabyaaladda, & dhiiragelinta in dhalinyaradu ay wax bartaan.

"Ururka wuxuu u istaagay sidii uga qeybqaadan lahaa in waddanka laga saaro dhibaatada, waxyaabaha aan diirada saari doono waa sidii ay ummadu isugu xirmi laheyd iyagoo aanan qabiil iyo firqa diimeed kala aaminsaneyn" ayuu yiri Guddoomiye Daa'uud.

"Waxaan isugu nimid inaan waddankeenii quruxda badnaa ee aan ka soo wada cararnay aan ka qeybqaadano sidii uu nabad & cadaalad ku heli lahaa" ayuu yiri Daa'uud, wuxuuna intaa ku daray;

"Dhibatao 22 sano na haysatay, ilaa hadda aan wax xal ah loo helin ayaa jirta, bulshadda waa kala firirsan tahay ilaa hada wax isku keenay ma jirto, isku day kasta waa la sameeyey laakiin weli laguma guuleysan, wixii tabarteena ah inaan qabano ayey tahay, ILLAAHEY wuu na weydiin doonaa qiyaamaha, waxaa na la oran doonaa, dhibaatadii aad u jeeday maxaad ka qabatay, haddii adigu aad dherganeyd, ama dhibaatada aad ka fogeyd ma kaa aamustay mise wax baad ka geysatay.?"








Salah Hassan Omer 
s.dheere@hotmail.com
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)