|
Mo Farah oo gabdhihiisa mataanaha u soo bandhigey saxaafada
Mogadishu Isniin 3 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mo Farah oo gabdhihiisa mataanaha u soo bandhigey saxaafada
Orodyahanka Britain balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya Mo Farah ayaa u soo bandhigey saxaafada sawirada gabdhiisa mataanaha ah.
Mo Farah ayaa labada gabdhood u kala bixiyey Aisha iyo Amani. Labadan gabdhood ayuu hore u sheegay in uu u hibeynayo labada biladood ee dahabka ah ee uu ku guuleystey orodadii 5000 iyo 10.000 mitir ee tartankii Olombikada magaalada London dhowaan lagu qabtay.
Sidoo kale Mo Farah ayaa dhowaan ku guuleystey tartan kale oo ka dhacay isla dalka Ingiriiska.
Wareysi uu siiyey wargeys ka soo baxa dalka Ingiriiska ayuu ku sheegay in aaminsan yahay in gabdhiisa ay dhaxleen lugihiisa dhaadheer ayna mustaqbalka guul ka keeni karaan orodada.
Tania oo 26 jir ah ahna xaaska Mo Farah ayaa sheegtay in uu ahaa qofkii ugu horeeyey eeqabta gabdhaha ay u dhashay.
Mo Farah oo ku dhashay magaalada Muqdisho ayaa isaga qudhiisa waxa uu mataan la ahaa Xasan Faarax oo ku nool magaalada Hargeysa.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|