Somali News
    Hees  

Nin lagu eedeeyay inuu gacan saar wanaagsan la leeyahay Al-Shabaab oo Maxkamad ku taala magaalada Mombasa la soo taagay

Mogadishu Isniin 3 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Nin lagu eedeeyay inuu gacan saar wanaagsan la leeyahay Al-Shabaab oo Maxkamad ku taala magaalada Mombasa ee wadanka Kenya maanta la soo taagay

Maxkamad ku taala magaalada Mombasa ee wadanka Kenya ayaa waxaa maanta la sooo taagay nin lagu eedeeyay inuu gacan saar wanaagsan la leeyahay Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

Ninkaan la maxkamadeeyay oo lagu magacaabo Abuubakar Shariif Axmed sidooo kalena leh magacyo kale oo uu ka mid yahay Makaburi ayaa dacwad oogayaashu waxay ku oogeen eedeymoay ka mid yihiin inuu taageeray dhaq dhaqaaqa Al-Shabab isla markaana uu dalka Kenya ka diray dhalinyaro Kenyan si ay Al-Shabab uga mid noqdaan.

Dacwad oogayaasha maxkamad ayaa Abuu bakar oo Kenya u dhashay ku eedeeyay dacwado kale oo ay ka mid yihiin inuu si weyn ugu lug lahaa falal amaan darro oo ka dhacay dalkaasi gaar ahaan weeraro loo adeegsaday bambaanooyin oo ka dhacay caasimada Nairobi.

Maxkamada ayaa sheegtay inay jiraan cadaymo loo hayo in ninkaan oo taageero u yahay Al-Qacidada geeska Africa si gaar ahna uu u taageeray Xarakadda Al-Shabab hase ahaatee Sh, Abuu Bakar waxaa uu iska fogeeyay dhamaan eedeymaha lagu eedeeyay.

Qareenka u doodaya eedeysanahaan oo la yiraahdo Mbugua Mureithi ayaa maxkamada ka sheegay inaysan waxba ka jirin eedeymaha wadaadkaan la huwiyay.

Sh,Abuu Bakar oo booliska Kenya ay si weyn u dooon doonayeen isla markaana asagu isku dhiibay ciidamada Kenya ayaa dhawaan u sheegay wargeyska The Daily Nation inuu naftiisa u cabsday markii la dilay wadaadkii lagu magacaabo Sh, Cabuud Rogo oo bartamaha Mombasa lagu dilay.

Dawlada Maraykanka ayaa dhawaan xanibaad ku soo rogtay wadaadkaan kadib markii lagu eedeeyay inuu si weyn gacan saar ula leeyahay Xarakadda Al-Shabab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)