Somali News
    Hees  

Wafdi ka socda Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka Chess Olympiad ee ka socda magaalada IStanbul

Mogadishu Isniin 3 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wafdi ka socda Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka Chess Olympiad ee ka socda magaalada IStanbul

Magaalada Stanbul ee wadanka Turkiga waxaa ka socda shirweyne caalami ah ee Chess Olympiad-kii afaraad, waxaana sanadkaan ka qeyb gelaya wafdi ka socda Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xiriirka Shataranka Soomaaliya Md. Axmed Xasan Cabdi (Wataac).

Wafdiga ka socda Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya oo ka kooban saddex ruux ayaa waxay halkaasi uga qeyb gelayaan tartamo ciyaarta Shataranjiga (Chess-ka) ciyaartooy ka socota dalalka caalamka.

Shirka Shataranjiga Adduunka oo loogu magac daray sanadkaan Stanbul 2012 waxaa ka soo qeyb gelay Guddoomiyaha Shataranjiga Adduunka iyo wadamada caalamka qaarkood, wuxuuna Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ka warbixiyay qaabka shirkaasi uu ku soconayo.

"Shirka caalamiga ah Chess Olympiad 4-aad wuxuu ka dhacayaa Hoolka Palot ee ku yaala Xeebta Marmare Sea oo ku yaala magaalada Stanbul wadanka Turkiga, waxaana rajeynayaa inaan Xiriirka Soomaaliya uga warbixiyo madaxda caalamka ee ka soo qeyb gelaya" ayuu yiri Guddoomiye Wataac.

Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ayaa sheegay in shirka caalamiga ah ee Shataranjiga uu yahay midkii 83-aad oo sanadkiiba mar la qabto, wuxuuna sheegay in madaxda wadamada ka qeyb galay shirka uu la yeeshay kulamo kala duwan oo intooda ay ka wadahadleen xiriirada Shataranjiga.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)