Somali News
    Hees  

Markab Dagaal oo Duqeymo madaafiic ah ka gaystay Magaalada Kismaayo

Mogadishu Isniin 3 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Markab Dagaal oo Duqeymo madaafiic ah ka gaystay Magaalada Kismaayo.

Warara ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose ayaa shegaya in xiligaani duqeymo ku socoto magaalada Kismaayo kuwaasoo ka imaanaya maraakiibta dagaalka Kenya iyo waliba diyaarado dagaal.

Inkastoo wararka hada naga soo gaaraya Kismaayo ay sheegayaan inaney wax dagaal ahi ka socon duleedyada Kismaayo balse diyaarado iyo maraakiib dagaal ay duqeyn xogan ku garaacayaan gudaha magaalada iyo deegaano ku dhow dhow sida birta dheer oo 60- KM u jirta Kismaayo halkaasoo ay difaac kaga jiraan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in barakicii ugu badnaa uu maanta ka socdo xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo xili duqeymaha ay ku dhacayaan inta badan dekada kismaayo iyo waliba xaafadaha dadka shacabka ahi ku badan yihin, inkastoo ay iclaamiyeen Shabaabku inaan laga qixi karin Magaaladaasi.

waxaa kale oo jira khasaare shacabka ka soo gaaray duqeymaha aan loo meel dayeyn ee ku socota magaalada Kismaayo inkastoo aan faahfaahin laga heyn khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay .

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)