|
Ra'iisul wasaare Gaas oo sheegay inay Al-Shabab la hadlayaan haddii ay wadada nabadda ku soo biirayaan
Mogadishu Isniin 3 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ra'iisul wasaare Gaas oo sheegay inay Al-Shabab la hadlayaan haddii ay wadada nabadda ku soo biirayaan.
Ra'iisul wasaaraha xukuumadii ay waqtigeedu dhamaaday C/wali Max’ed Cali Gaas oo wareysi siiyay wargeyskaThe Independent ee ka soo baxa wadanka Ingiriiska ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay la hadlaan Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.
Waraysiga C/wali Gaas ooo dhinacyo badan taabanayay ayaa mar wax laga waydiiyay sida ay suurto gal u tahay wada hadal dhex mara dawlada cusub ee Soomaaliya loo dhisayo iyo hogaamiyaasha Xarakadda Al-Shabab ayaa waxaa uu tilmaamay in haddii laga helo hogaamiyaasha Al-Shabab ay dhinacooda diyaar u yihiin wadahadalo ay la galaan waxaana uu intaa ku daray in inkastoo ay Shabab ku jiraan dad dambiyo adag galay haddana ay dhankooda aysan wax sharuud ahku xireyn wada hadal ay Shabab la yeeshaan.
"Waa hore ayay ka tageen magaca ah Al-Shabab oowaxay ku biireen Al-Qacida wax dhib ahna naguma hayso inaanu la hadalno haddii ay wadada nabadda ku soo biirayaan" ayuu yiri C/wali Max’ed Gaas oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.
Dr C/wali Gaas waxaa kale uu tilmaamay in hawlgalada dalka ka socda ee ay wadaan ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay yihiin kuwo socon doona xataa markaay dhalato dawlad dhexe oo wadanku yeesho.
R/wasaare Gaas ayaa gaashanka u daruuray arrimo la xariira musuq maasuq xukuumadiisa lagu eedeeyay waxaana uu eedeymahaasi ku tilmaamay kuwa been abuur.
Xukuumaddii aan soo dhisay waxay ka koobneyd dad nadiif oo qurbaha ka yimid" ayuu sidoo kale yiri Dr Gaas.
Mar uu ka hadlay qorshihiisa ku aadan waxa uu Soomaaliya ka qaban doono haddi la doorto ayuu sheegay inuu wax badan oo is badal ah ka sameyn doono arrimaha siyaasadda iyo ammaanka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|