|
Ilaa 22 Musharax oo Araajidooda u soo gudbiyay Gudiga Doorashada Madaxweynaha
Mogadishu Isniin 3 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ilaa 22 Musharax oo Araajidooda u soo gudbiyay Gudiga Doorashada Madaxweynaha
Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa manta ku dhawaaqay in 22 mudane ay ka qabteen araajidooda Murashaxnimo ayna siiyeen warqado loogu talo-galay inay soo buuxiyaan, kuwaasoo ay kusoo qorayaan magacyada xildhibaannada kalsoonida siinaya.
Afhayeenka guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, Cismaan Libaax Ibraahim ayaa warbaahinta u sheegay maanta in guddigu uu ku wargelinayo dhammaan murashaxiinta tarmaya inay lacagaha laga doonayo oo 10,000 oo dollar ah ku shubaan bankiga dhexe ee dalka.
Afhayeenka guddiga ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in murashaxiinta ay u diyaariyeen warqad ay ku qoran yihiin shuruudaha murashaxa laga doonayo in sidoo kale halka uu ku shubayo lacagta laga doonayo ee 10,000 oo dollar ah.
Guddigu ma magacaabin magacyada xildhibaannada ay siiyeen foomamka, waxayna sheegeen in marka ay soo dhameystirmaan murashaxiinta araajidooda soo gudbiya ay ku dhawaaqi doonaan magacyadooda.
Doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxaa horay loo qorsheeyay in ay dhacdo bishan 10-keeda, waxaana xilkan isku taagan in ka badan 30 xubnood oo intooda badan ka yimid dalka dibadiisa.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|