|
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo maanta dalka dib ugu soo laabtay
Mogadishu Isniin 3 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Muqdisho, September, 03, 2012----- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka ee Muqdisho ka dib markii uu Adis Ababa kaga soo qeybgalay Aaskii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi.
Waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Xildhibaano, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa warbaahinta kula hadlay, Isagoona ka warbixiyay Safarkiisii Ethiopia.
“Marka ugu horeyso waxaan aad igu faraxasanahay inaan ku soo laabto dalka, Waxaana sida aad la socotaan ka qeybgalney aaskii qaran ee Ra’iisul Wasaarihii hore Ethiopia Meles Zanawi”.
Wuxuuna intaasi ku daray in wadanka Ethiopia ay tahay dowladda aan saaxiibnahay oo aan deris nahay oo aan aad u wada shaqeyno islamarkaana nagala shaqeeya xasilinta iyo xoreynta dalka Soomaaliya.
Ugu dameyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay muhiim u tahay gedi socodka nabadda ee Soomaaliya islamarkaana tilmaamay inta ay ku sugnaayeen Adis Ababa ay kulamo la qaateen mas’uul sare oo ka kala socota Caalamka kana wada hadleen arrimaha Soomaaliya iyo meesha ay mareyso gedi socodka nabadda.





Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|