|
Afhayeenka AMISOM: "Maydadka 4 ka mid ah AMISOM ayaan helnay"
Mogadishu Isniin 3 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Afhayeenka AMISOM: "Maydadka 4 ka mid ah AMISOM ayaan helnay"
Waraysi uu siiyay Warlalis Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xaamud ayaa waxa uu ku sheegay inay heleen maydadka 4 ka mid ah 5 ruux oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM oo la weysanaa kuwaasi oo uu sheegay inay ku geeriyoodeen dagaaladii ka dhacay Jubada hoose halka mid kalana uu sheegay in wali la la’yahay kaasi oo baadi goob ay ugu jiraan.
Cali Aadan Xaamud ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in duqeymo diyaaradeed oo shalay ka dhacay Jubada hoose qasaaro culus lagu gaarsiiyay Al Shabaab oo uu sheegay inay ka gubeen ilaa 4 gaadiid taasina ay hubaan duqeyntaasina waxa uu xusay inay daba socotay duqeyntii Kismaayo labo habeen ka hor ka dhacday Kismaayo ee dhinaca badda ahayd.
Dhinaca kale mar uu ka hadlay waxa uga qorsheysan magaalada Kismaayo Afhayeenka ciidamada AMISOM waxaana uu sheegay in qorshahooda ku wajahan Kismaayo uu yahay inay kula wareegaan si xeeladeysan maalmaha soo socda.
AMISOM ayaa waxa ay horay u shaacisay inay ka go;an tahay la wareegitaanka magaalada Kismaayo oo ay ka jiran dhaqdhaqaayo badan, iyadoo ay xusid mudan tahay in qaar ka mid ah askarta AMISOM iyaga oo mayd in lagu soo bandhigay Kismaayo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|