|
Safaaradda Somalia ee Libiya oo sheegtay inaysan awood u lahyn sii deynta dadka Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyada dalkaasi
Mogadishu Isniin 3 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Safaaradda Somalia ee Libiya oo sheegtay inaysan awood u lahyn sii deynta dadka Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyada dalkaasi.
Safiirka Soomaaliya ee Liibiya Cabdi Qani Max’ed Waceys ayaa waxa uu sheegay in Safaaradooda aysan awood u laheyn sii deynta dadka Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyada dalkaasi kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin dambiilayaal si dhuumasha ah kusoo galay dalka.
Waxa uu sheegay Cabdi Max’ed Waceys in awood kaliya oo ay leeyihiin ay tahay in dowladda Liibiya ay u gudbiyaan dukumintiyo ay ku cadeynayaan in qofkaani uu yahay Muwaadin Soomaaliyeed oo dalkiisa dhibaato uga soo cararay iyo sidoo kale in askarta ay ka baryaan marka ay qabtaan balse aysan laheyn awood buuxda.
Safiirka Soomaaliya ee Liibiya ayaa waxa uu sheegay in ay soo badanayaan dadka Soomaalida ah ee u tahriibaya Talyaaniga iyaga oo sii maraya Liibiya kuwaasi oo uu sheegay inay dhibaatooyin badan la kulmaan, waxaana uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo Waalidiinta inay hakiyaan dadkaasi.
Liibiya waxaa ku xiran dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo la kulma tacadiyo ka baxsan bini’aadanimada oo ay ka mid tahay jirdil, iyaga oo tahriibayaashana badda kala kulma dhibaato kale oo ay ka mid tahay geeri.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|