|
Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab oo dadweynaha Kismaayo ku amray inaysan ka qixi karin guryahooda
Mogadishu Isniin 3 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab oo dadweynaha Kismaayo ku amray inaysan ka qixi karin guryahooda
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay aad u kacsan tahay, isla markaana dadweynaha Kismaayo ay soo food saartay cabsi la xariirta madaafiicda iyo duqeymaha joogtada noqday ee magaaladaasi lala beegsanayo.
Maamulka ururka Al-Shabaab ee ee magaalada Kismaayo ayaa amaro ku soo rogay dadweynaha, isagoo ku amray inaysan guryahooda ka qixi karin, cidii ka qaxdana ay muteysaneyso ciqaab adag.
Fagaare ku yaala magaalada Kismaayo ayay madaxda Al-Shabaab dadweynaha uga sheegeen awaamiirtaasi, iyago ka dalbaday dadweynaha inay taageero hiil iyo hooba leh la garab istaagaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Qaar ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha magaalada Kismaayo ayaa amarkaasi ka muujiyay walaac ku saabsan amarka ka soo baxay ururka Al-Shabaab, iyagoona sheegay in duqeymaha iyo madaafiicda lala dhacayo magaalada Kismaayo ay ku dhacayaan dadka rayidka ah.
Waxay sheegeen inay kulamo la yeelanayaan saraakiisha maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab si ay dadweynaha si KMG ah uga qaxaan mar kasta oo ay timaado duqeyn iyo madaafiicda lala bar tilmaameedsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, inkasta oo odayaasha ay ka caga jiidayaan inay arrintaasi uga cawdaan maamulka Al-Shabaab ee amarka lagu soo rogay dadweynaha Kismaayo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|