|
Bandow xalay ka dhaqan galay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose
Mogadishu Talaado 4 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Bandow xalay ka dhaqan galay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waxaa xalay ka dhaqan galay bandow, iyadoo xalay fiidkii magaalada Afgooye ay haawaneysay isla markaana albaabada loo laabay dukaamada iyo dhammaanba goobaha ganacsiga.
Taliyaha ciidamada Dowladda KMG ah Jan. Ibraahim Afgooye ayaa ka warbixiyay xaaladda degmada Afgooye sida ay xalay ahayd, wuxuuna sheegay in bandowga ay ku soo rogeen degmada Afgooye uu la xiriiro kaddib markii sida uu sheegay ay ka war heleen weeraro gaadmo ah, qaraxyo iyo falal amni darro inay degmada ka wadaan kooxo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay Taliyaha in dhowr goor ay degmada soo weerareen kooxo katirsan ururkii Shabaab, kuwaasi oo weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo ka geystay degmada Afgooye, wuxuuna caddeeyay in falalkaasi intooda badan ay ka hor tageen, isla markaana ay qabqabteen tiro ka mid ah maleeshiyaadka Shabaab.
Xalay degmada Afgooye waxay ahayd mid xaaladeedu aad u degabneyd oo aanay wax dhaqdhaqaaq ah ka jirin, hase yeeshee ciidamada Booliska Dowladda KMG ah ayaa gaaf wareegayay guud ahaan degmada Afgooye, waxayna howlgaladooda ku soo qabqabteen tiro rag ah oo looga shakiyay inay maleegayeen falal amni darro.
Ma aha markii ugu horeysay oo degmada Afgooye lagu soo rogo bandow tan iyo markii ay ciidamada Dowladda la wareegeen, waxayna dadka degmada shegayaan in xilliyada qaarkood ay ka dhacaan gudaha degmadaiska hor imaadyo u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo kuwa AL-Shabaab oo iyagu weeraradooda ka soo qaada dhulka keymaha ah ee ku dhow degmada Afgooye.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|