Somali News
    Hees  

Dab dhaliyay khasaare isugu jirta naf iyo maalbaoo ka kacay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan

Mogadishu Talaado 4 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dab dhaliyay khasaare isugu jirta naf iyo maalbaoo ka kacay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Deegaan hoos-taga degmada Moqori ee Gobolka Hiiraan waxaa xalay qabsaday dab khasaare kala duwan gaystay xili gurmad degdeg aan loo sameyn marka la eego dabka kacay oo ahaa mid nuuciisa aan hore loo arag baaxada uu lahaa darteed.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in debkaasi uu gaystay khasaare naf iyo maalba leh waxaana la sheegay in dhulka uu dabku qabsaday uu cabirkiisu gaarayo 20-Kmt oo isku weer ah.

Inta laga war hayo waxaa ku dhintay dabkaasi ilaa 5 ruux oo caruur u badan iyadoo sidoo kale xoolo noolna ay ku nafwaayeen xili dabkaasi uu ku soo aaday waqti dabeyshu kacsaneyd,sidoo kale 3 ruux oo ku dhaawacmay debkaasi ayaa la gaarsiiyay isbitaalka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka laga helayo degamada Moqakori waxaa kale oo ay sheegayaan in dabkaasi oo meel keyn ah ka kacay uu ku baahay deegaano ka baxsan halka uu khasaaraha ka gaystay.

Deegaano deris la ah halka dabku ka kacay ayaa la sheegay inay u soo gurmadeen halka dabku ka socdey kuwaasoo caro iyo biyo wixii ay heli kareen u adeegsaday dabka damintiisa kaasoo socday mudo saacado ah.

Waa markii ugu horeysay oo deb kacay uu saameyn intaa la eg ka gaysto gobolada dalka intala xasuusto,dhanka alshabaab iyagan wax war ah kama aysan soo saarin dabkaasi madaama ay iyagu ka taliyaan halka dabku ka kacay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)