Somali News
    Hees  

Ciidamo fara badan oo isugu jiraAMISOM iyo ciidamada Dowladda KMG ah oo u Ruuqaansaday dhanka Degmooyinka Warsheekh iyo Cadale ee Gobolka Sh/Dhexe

Mogadishu Talaado 4 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamo fara badan oo isugu jiraAMISOM iyo ciidamada Dowladda KMG ah oo u Ruuqaansaday dhanka Degmooyinka Warsheekh iyo Cadale ee Gobolka Sh/Dhexe.

War Deg Deg ah oo iminka na soo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo katirsan AMISOM & ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya inay saakay gaareen Degaanka Ceel macaan oo hoos taga degmada warsheekh Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka aya intaa ku daray in ciidamdaani durba u jiheysteen degmada warsheekh iyo degaanka Cadale oo ay xarakada Al-Shabaab horay u faarujiyeen Degmooyinkaasi.

Mid kamid ah dadka degaanka ceel macaan oo magaciisa ka gaabsaday aya ssheegay in ay indhihiisa qabteen ciidamo fara badan oo ku hubeysan hubka nuucyadiisa kala gedisan ay dhaafeen degaanka Ceel macaan

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya degaanada ay shabaab ku hareen ayaa cabsi badan laga dareemayaa, inkastoo ay yar tahay awood ka hor imaan karta ciidamadaasi faraha badan ee doonaya inay deeganadaasi fariisimo uga samaystaan, si ay ukala jaraan Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee Gobolka Sh/dhexe iyo Gobolka Galgasduud.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)