Somali News
    Hees  

Jan. Dhegabadan: "Saraakiishayada markii aanu shirnay waxaan go'aan ku gaarnay inaan wax lug ah ku yeelan loolanka siyaasadeed ee dalka ka socda"

Mogadishu Talaado 4 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Jan. Dhegabadan: "Saraakiishayada markii aanu shirnay waxaan go'aan ku gaarnay inaan wax lug ah ku yeelan loolanka siyaasadeed ee dalka ka socda"

Afhayeenka ciidamada Milateriga Dowladda Soomaaliya Jan. C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) ayaa ka dhawaajiyay go'aan ka soo baxay Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya oo ku saabsan xaaladda wadanka, wuxuuna Jan. Dhegabadan sheegay in kulan ay wada qaateen saraakiisha ciidamada ay go'aan ku gaareen inaysan wax lug ah ku yeelan loolanka siyaasadeed ee dalka ka socda.

"Saraakiishayada markii aanu shirnay waxaan go'aan ku gaarnay inaan wax lug ah ku yeelan loolanka siyaasadeed ee dalka ka socda" ayuu yiri Jan. Dhegabadan oo sheegay in iyagu ay garab taagan yihiin shaqsi kasta oo Golaha Baarlamaanka uu u doorto Madaxweyne.

Waxaa kale oo uu sheegay Taliyaha ciidamada Dowladda inay howshooda si caadi ah u wataan, isla markaana ay ku guda jiraan la dagaalanka kooxda ururka Al-Shabaab iyo cid kasta oo khalkhal gelineysa ammaanka wadanka.

Mar uu ka hadlayay waxqabadka ciidamada Milateriga Soomaaliya ayuu sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen sidii dalka loogu soo celin lahaa nabadgelyada iyo xasiloonida, isagoona caddeeyay in haradaagida kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida ay iminka wiiqeen awoodoodii dhowaanna ay soo afjarayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagxisada ah sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Jan. Dhegabadan ayaa ku soo beegmaya xilli ay dalka ka socoto tartanka doorashada xilka Madaxweynaha, taasi oo warar horay u soo baxay ay sheegayeen in ciidamada Dowladda loo adeegsado mudada ay socoto doorashada Madaxweynaha loolanka siyaasadeed ee dalka ka socda.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)