|
Col Cyrus Oguna : “Dagaalyahano ka cararay Miido ayaanu ku dilnay Biibi iyo Jannay C/lle dhimashadooduna waxay gaaraysaa ku dhawaad 70 ruux”
Mogadishu Talaado 4 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Col Cyrus Oguna : “Dagaalyahano ka cararay Miido ayaanu ku dilnay Biibi iyo Jannay C/lle dhimashadooduna waxay gaaraysaa ku dhawaad 70 ruux”
Col Cyrus Oguna oo ka tirsan saraakiisha warfaafinta iyo hawl galinta ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa caawa u sheegay wargeyska Daily Nation in duqeyntii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo iyo deegaano kale oo ka tirsan jubbooyinka inay ku dileen in ka badan 70 dagaalyahan oo Shabab ka tirsanaa.
Col Cyrus Oguna waxaa uu sheegay in duqeyn ay maraakiibta dagaalka Kenya ka geysteen magaalada Kismayo ay la beegsadeen goob ayh isku urursanayeen dagaalyaho Shabab ka tirsanaa waxaana uu xusay in duqeyntaasi ay ku gubeen illaa iyo 4 gaari oo nooca dagaalka ah.
Sidoo kale sarkaalka tirsan qeybta hawlgalinta ciidamada Kenya waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in duqeymo ay diyaaradahoodu ka geysteen deegaanada Biibi iyo Janay C//la ay ku dileen ku dhawaad 70 dagaalyahan oo ka cararay buu yiri magaalada Miido.
“Dagaalyahano ka cararay Miido ayaanu ku dilnay Biibi iyo Jannay C/lle dhimashadooduna waxay gaaraysaa ku dhawaad 70 ruux” ayuu yiri Col Cyrus Oguna oo ka tirsan ciidamada dawlada Kenya ee Soomaaliya ku sugan.
Wararkii ugu dambeeay ee ka imanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya inay wiiqanay awoodii Shabaabku ku lahaa Gobolka Jubada hoose, ka gadaal markii Ciidamada AMISOM /Kenya ayaa dhan walba ka duqeeyeen Magaalada Kismaayo oo ay ku yaaliin saldhigayada Shabaabka ee Gobolkaasi ku leeyahay, waxayna ciidamada Kenya dhowr jeer oo horay u sheegeen inay Maleeshiyaad fara badan ka dileen kooxda Shabaab, hase yeeshee ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Shabaabka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|