|
Ururka Isbaheysdiga Ummada Somaaliyeed ee Sweden oo booqasho ku tagay magaalo Lagu dhibaateeyay Soomaali badan
Gothenburg Talaado 4 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ururka Isbaheysdiga Ummada Somaaliyeed ee Sweden oo booqasho ku tagay magaalo Lagu dhibaateeyay Soomaali badan.
Qaar kamid ah madaxda sare ee ee Ururka SRFS Sweden ayaa booqasho ku tagay magaalda Forserum ee ku taala koofurta wadanka Sweden halkaasoo lagu dhibaateeyay soomaali badan falal cunsurinimo ah oo sababtay in mediaha wadankan iyo caalamkaba eey ayaamahan ka hadlaayeen.
Mar aan wareysi qaas ah la yeelanay Mudane Ibraahim Qalinle oo kamid ah madaxdii booqashadaas ka qeybgashay wuxuu noo sheegay in eey waajib ku aheyd in eey u gurmadaan walaalahood lagu dhibaateeyay magaaladaas kana wareystaan sida wax u dhaceen.
Waxaa magaalada ku soo dhaweeyay hogaanka jaaliyada soomaalida ee Forserum oo warbixin dheer ka siiyay sida wax u dhaceen iyo dhibaatooyinka eey la kulmeen. Dadkii eey lakulmeen waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada C/laahi Dhimbil iyo Axmad Nuur oo xog muhiim ah ka siiyay martida waxyeeladii kasoo gaartay cunsurinimada lagula kacay. Waxeey aad uga coowdeen Booliiska wadanka iyo heyadaha cadaalada oo ka gaabiyay in eey dhaqsi wax uga qabtaan arimahan in mudada soo jiitamaayay. Waxeey ugu danbeyntii ku qasabtay soomaalidii daganeyd magaalada in eey shoobaro sameeyaan oo caruurtooda ka joojiyaan iskuuladii taa oo ku qasabtay madaxdii magaalada in arintu u arkaan mid u baahan in wax laga qabto.
Walaalaha soomaaliyeed ee lagu dhibaateeyay magaaladaas waxaa u soo gurmaday jaaliyado waaweyn oo wadanka ka dhisan oo eey runtii ku amaaneen ka danqashada dhibaatada la gaarsiiyay.
Ugu danbeyntii waxuu in ururka isbaheysiga balan qaaday in uu ka qeybgaato caawinta jaaliyada magaalada Forserum dacwad cabasho ahna u gudbiyaan dowlada sweden iyo hogaanka magaaladaba ayadoo la tusaaleeynaayo in aan manaba la ogolaan karin in muwaadin Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo Sweden.
Gudigii lasocday Mudane Ibraahim Qalinle waxaa kamid ahaa:
Mudane Axmad Harari (SRFS Borås)
Mudane Aadan Maxamad Oor (SRFS Göteborg)
Mudane Anwar (SRFS Jönköping).






















Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|