|
Australia oo ka walwalsan dad u dhashay dalkeed oo Al-Shabaab la tababartay
Mogadishu Talaado 4 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Australia oo ka walwalsan dad u dhashay dalkeed oo Al-Shabaab la tababartay
Hey’adda dowladda Australia u qaabilsan Sirdoonka oo magaceeda ASIO
loo soo gaabiyo ayaa waxa ay sheegtayn in wal wal ay ka qabto dad u
dhashay Australia oo ka tirsan Al shabab kuwaas oo muddooyinkii dambe
hanjabaadyo.
Agaasimaha guud ee hey’adda ninka la yiraahdo David Irvine ayaa
sheegay in muddooyinkii dambe ay aad u soo kordheen hanjabaadyada ka
imaanaya kooxo islaamiyiin ah oo sida uu sheegay xiriir la leh al
qaacidda kana jira dalka Austaralia.
Agaasimaha ayaa sheegay inay jiraan dhallinyaro badan oo u dhalatay
dalka Australia kuwaas oo tababarro u aaday dalka somalia haatana ku
soo laabtay dalka Australia islamarkaana abaabulaya weeraro iyo
qaraxyo Australia ay ka geestaan.
"Somalia hadda waxa ay isku badashay pakistan iyo afganistan oo kale
waayo waxa ay hooy u noqotay Al qaacidda "sidaana waxaa yiri David
Irvine oo ah Agaasimaha guud ee hey’adda sirdoonka dalka Australia,
waxana uu tilmaamay in dowladdiisu ay ka hortageyso weerarada iyo
qaraxyada ay maleegayaan dhalinyaradsa Austareeliyaanka ah ee ku soo
tababartay dalka somalia.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|