Somali News
    Hees  

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo labo nin ay ku eedeeyeen Basaasnimo ku dilay Gudaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Mogadishu Talaado 4 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo labo nin ay ku eedeeyeen Basaasnimo ku dilay Gudaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Magaalada Baraawe ee gobolka shabeelaha hoose waxaa shalay galab ka dhacay xukun toogasho ah oo Xarakada Shabaabu Mujaahidiin ay ku fuliyeen labo nin kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay ahaayeen jawaasiis.

Labada nin oo magacyadooda lagu kala sheegay C/naasir Cilmi Cabdi iyo C/Qaadir Daahir Cismaan ayaa muddo waxaay ku jireen gacantaXoogggaga Al Shabaab iyadoo laga soo wada qabtay magaalada Muqdisho.

C/Naasir Cilmi Cabdi waxaa lagu eedeeyay inuu basaasayay shacabka Soomaaliyeed isagoo u basaasayay ciidamada Amisom waxaana laga soo qabtay nawaaxiga saraha caymiska waa sida laga sheegay maxkamada xukuntay.

Sidoo kale C/Qaadir Daahir Cismaana ayaa isna la sheegay in laga soo qabtay Ex Kantarool Afgooye halkaasina uu ka waday sida maxkamadu sheegtay dhibaataynta shacabka muslimka ah.

Maaha markii ugu horeysay oo Xoogaga Alshabaab xukun ku ridaan dad ay danbiyo ku soo oogeen islamarkaana ay meel fagaare ah ku toogtaan xili dad badan ay daawanayaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)