Somali News
    Hees  

Malaaqyada miciiga laga sii way iyo boqrtoyaada cusub keeba ka danbeeyey burburinta midnimada baheynta banaadir

London Arbaco 5 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Malaaqyada miciiga laga sii way iyo boqrtoyaada cusub keeba ka danbeeyey burburinta midnimada baheynta banaadir

Bulshada banaadiriga waxay ahaayeen dad dhaqan iyo deegaan wadaaga, sidaana magac iyo maamuus ku yeesheen bulshada somalida iyo tixgelin doorka ay ku lahaayeen hogaamiinta dalka. Nasiib daro dagaalkii sokeyaha ee dalka ka dhacay waxey bulshada banaadir la qeybsatay dhibaatadii iyo qilaafkii ummadda soomaaliyeed oo haatan ka soo kawaneeyso qilaafkii dhex yaalaay. Nasiib daro ummadda soomaaliyeed oo u han weyneed in haddii lagu heshiin waayey hogaaminta dalka in loo dhiiwo bulshada reer banaadir,waxaad moodaa in ummadda soomaaliyeed way day wixii ay ka filesay reer banaadir waxaana is weeydiin mudan sababta hankii loo qabay looga waayey bulshada reer banadiriga.Haddaba waxaa ka mid ah sida hoos ku qoron tahay.:
1.Hoggaan ku cusub bulshda baanaadiriga oo na meel kaga dhacay caddaalada, aqoonta , diinta , hab u dhaqankii iyo wanaagii lagu dhaqmi jiray reer banaadir oo aan tuur nay, dibna ugu soo noqonay wixii aan ku cay jirnay ummadda in teeda kaleyto oo ay eheyd qabyaalad iyo kala qeybinta dadka sida giwil cad iyo giwil madow.

Hadaba qilaafka kala soo dhex galay bulshda banaadiriga qeyb ka mid ah waxay salka ku haysaa boob cadaan ah markii la xoogay xildhiibanaadii reer shingaani lana siiyey dad aan eheyn reer shingaani. Haddaba waxaa la yaab leh caqligii ku taliyey in shingaani oo taariikh iyo bulsho ahaan loo yaqaan waxay tahay madhiici kartaa in laga waayo hal gabar oo mutacallim ah
2. Xildhibaan Caamir Jaketi ninkii naftiisa u huray xataa dhaawac halis ah ka soo gaartay oo weliba markii la keenay Dubai oo na ka dhuuntay Qunsulkii Guud ee Soomaaliya u fadhiyey xiligaas 2010 oo hal biil jifaay Golden Hotel oo lagu maddaalinaayey "inshaa allah beritaan ku imaanaya." Markii ka dhmaaday mudadii visada dad reer Shingaani ah ayaa ka bixiiyay hotelka, shobinkis iyo xoogaa daawooyin kalmaanto ah uga deeqay. in maanta la dhaho adiga malagu baahno ee degmadaa na joog ma xaqbaa mase waa waa.

3.waxaan ka haynaa nin ka mid ah madaxda banadiriga ee u.k.
in markii la weydiiyey dhibaatoyinka aan kor ku soo xusnay sii ku dhacday oo na marqaati fara badan loo haayo haddii loo baahdo.
Nasib daro wuxuu yiri "reer shingani haddii aad nasoo raci lahedeen xaqiina mala booween ee adinkaa qeybta kale aadeen", markaas ayaa lagu yir war banadir waa hal markaas ayuu yiri " maya waa labo .marka dulmigaa ku dhacay reer shingaani ma waxaa iska kashaday boqortooyada cusub belaha banadir ee iska dhisaayo hogamiyayaash qaranka mase malaaqyada miciga laga sii way,waxaa nasib daro ah in reer banadir qarkood weli ay jiifaan oo maanta somaliduna u dhan tahay marxalada fikirkii dagaal oglayaasha laga baxayo loona gudbayo maamul wanaag iyo dawlad loo dhan yahay.
Reer banaadir waxay weli joogaan maku tusiinoo muku tusininoo waa nasib daro waa nasib daro waa nassib daro waa nasiib daro.
Fiir Gaar.
1. Dhammaan reer shingani waxaa lafarayaa in aysan ka qebgeli kariin shir reer banaadir ah ilaa ay ka soo baxaan go'aanka odayaasha u.k

2.Mudane Caamir Jakeeti waxaa lagu farayaa in aad ka taxadirto in laguga sawiro xildhibaanadii xaqaada booway si shingaani ay u keenaan macaawin dhalanteed ah loona qaldo bahweynta reer shingaani ee ku nool addunka oo dhan.
3.In aan ka tashano sidii loo soo celin lahaa xiriirkii walaalnimo ee ka dhexeeyey Xamar iyo Xamar Daye, maadaama addunkii isku beddelay xoog oo walaalaheena reer Xamar Weyne ay noo keeneen Muriidi Ilka Case anagana waa in aan keenaa Maki Calisow.
4.Guddoomiyaha Barlamaanka Dr.Jawaari waxaan kaa codsaneynaa haddii uu Dastuurka dhigayo wixii xaq soo aado reer shingani in aad gooni noo siisaa haddii sharciciga dastuurka qabo,waayo waxaa dhacday intii doorashada barlamaanka dhicin Wasiirka Dastuurka in uu nasiiyey warqad ku qoran tahay hal oday oo beesha ah in aan leenahay.Markii loogeeyey odayaasha ilaa hada warqadii way haystaan,sidaas darteed haddii dastuurka dhigeynin afarta sano waan sugayaynaa, intii horeyba waa la sugaayey haddana waan suggeeynaa mahadsanid guul aan kuu rajeeynayaa.

Wabillahi Tawfiiq.

Qore

Waa i taqaanaa waa ku aqaan

Maxamed Maclow Nuur

Mohammed Nuur Maclow
London UK
waa2009@hotmail.co.uk

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)