Somali News
    Hees  

Xaaladda Magaalada Kismaayo oo Caga badan ku taagnayn xilli ciidamada Huwanta ay ku soo wajahan yihiin

Mogadishu Arbaco 5 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaaladda Magaalada Kismaayo oo Caga badan ku taagnayn xilli ciidamada Huwanta ay ku soo wajahan yihiin.

Magaalada Kismaayo waa Magaalo isitiraatiji ah marka loo eego dhul ahaan iyo dhaqaalle ahaan intaba, waxaana wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya Kismaayo sheegayaan in ay sii kordhayaan ciidamada huwanta ah cadaadiska militari oo ay ku haayaan Magaalada si gacanta ugu dhigaan.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxay magaaladaasi ayaa sheegaya in uu ka jiro jahwareer soo food saaray dadka rayidka ah iyo xitaa dagaalyahannada Al-Shabaab oo ay dad ku sugan degmada sheegayaan in ay si dhuumaaleysi ah uga baxayaan magaaladaasi.

Sidoo kalae waxa lagu soo waramayaa in Diyaaradaha dagaallka ah si joogta ah u dul heehaabayaan dagmadaasi , taasoo sare u sii qaadeysa walaaca ay qabaan dadka shacabka iyo shakiga kooxda Al-shabaab ay ka qabto duqeyn culus oo diyaaraduhu geystaan.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Huwanta ayaa ku jira abaabulki ugu danbeeyay oo ku qabsan lahaayeen dagmadaas istaraariijiga ah ,waxayna wacad ku mareen in saacadaha nagu soo foolka leh ay gacantooda soo gali doonto degmadaasi.

Dhanka kale kooxka Sabaabka ayaa dadka ku amartay inaan magaalada laga bixin oo cid qixi karta aysan jirin, iyadoo la ogyahay in magaalada uu dagaal ku soo wajahan yahay, lama oga halka ay ku dambeyn doonta magaalada kismaayo iyo cidi gacan ku heynteeda la wareegi doonto.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)