|
Daladda Dhaliyarada Bartamaha (SOCSOYU) iyo Koonfurta Soomaaliya oo Qabtey Kulan Balaaran oo uu ka Qayb Musharax Yuusuf Garaad
Mogadishu Arbaco 5 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Daladda Dhaliyarada Bartamaha (SOCSOYU) iyo Koonfurta Soomaaliya oo Qabtey Kulan Balaaran oo uu ka Qayb Musharax Yuusuf Garaad
Waxaa Hotelkka Jasiira ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan balaaran oo uu soo qaban qaabiyey Dalada Dhaliyarada bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya (South Central Somali Youth Umbrella) marka la soo gaabiyo loo yaqaan (SOCSOYU) waxaana ka soo qaybgaley ardeyda Wax ka barata Jaamacadaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho iyo ardeydii wax ka baratey Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan sidoo kale kulankaas ayaa awaxaa lagu martiqaadey mid ka mid aha Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed.
Ugu haoreyntii waxaa halkaa warbixin ka saoo jeediyey Gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada ee Koonfurta iyo Bartamaha Maxamed Warsame Sandhool oo sheegey in Daladan la Aasa aasey muddo aad u fog sidaa darteed waxaa uu sheegey in muddadii ay jirtey ay qabtey Barnaamijyo Dhalinyarada lagu waci gelinaayo kaasoo ah in lagu jiheeyo sidii ay uga qayb qaadan lahyeen Horumarka Wadankooda.
Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Xildhibaan Cabdi Abshir Dhoore oo ka mid ahaa Ardeyda wax ka baratay Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed isagoo ka dhawaajiyey in Xildhibaanada Baarlamaanka ay soo dooran doonaan Shaqsi dalka ku Hogaamiya Cadaalad islamarkaana ka Samatabixiya dhibaatooyinka haysta sida Nabadgalyada , isagoo sheegey in Dowladda soo socota ay shaqooyin u abuura doonto Dhalinyarada iyo Ardeyda Jaamacadaha sidoo kale waxaa uu uu ugu baaqey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka fikiraan sidii Wadankooda ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen maadama ay yihiin Xooga dhalin kara Nabada.
Xasan Ceelaabe oo ka mid ahaa Ardeydii ka qalin jabisey Jaamcadda Ummada Soomaaliyaa ee (JUS) oo isna ka hadLey kulnkaas ayaa sheegey in ay wax ku soo barteen Canshuurtii laga qaadayey Shacabka Soomaaliyeed sidaa darteed ay hada doonayaan in ay gudaan Deynkaas lagu leeyahay isagoo ugu baaqey ardeyda iyo Dhalinyarada in ay la yimaadaan door Muhiim ah oo ku aadan Samatabixinta dalka iyo Dadka.
Sahro Macalin Bashiir oo ka mid ahayd ardedii wax ka baratey Jaamcadii Ummada Soomaaliyeed (JUS) ayaa si aad ah uga hadashey Doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin qaybaha Bulshada , waxayna sheegtey in 20kii Sanoo ee dagaaladu ka jireen Dalka ay Haweenku ahaayeen kuwa ka dhex muuqda Bulshada ha noqoto Daryeelka Qoyskooda , Dib u heshiisinta ,Waxbarashada , waxayna ka Codsatey Musharax Yuusuf Garaad in uu Garab siiyo Haweenka Soomaaliyeed maadama ay ku Dulman yihiin dhinaca Siyaasada.
Ardeyda waxa ka barata Jaamcadaha Muqdisho sid SIMAD, SOOMAALIYA , BADWEYNTA HINDIYA, JASIIRA iyo BANAADIR oo iyana halkaa ka Hadley Kulankaas ayaa u Mahadceliyey Dalada Dhalinyarada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo iyagu ku martiqaadey Kulankaas Musharax Yuusuf Garaad , waxayna sheegeen in Yuusuf Garaad uu yahay Shaqsi u qalma in uu qabto Xilkaas maadaama halku dhiga uu ku duulayo uu yahay XOG-OGAAL XAL DOON AH.
Musharax Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ka Hadley Kulankaas ayaa si weyn u faafaahiyey sidii ay waxa ku soo barteen isagoo sheegey in Waxbarashadooda ay ahayd min Dugsi Hoose ilaa Jaamacad ay hayd mid lacag la’aan ah waxaana uu hoosta ka Xariiqey in Abaalkaas uu ku leehayan Qaranka Soomaaliyeed ay hada uu diyaar u yahay in uu Gudo.
“ Haddii aan waayo Xilka Madaxweynimo,waxaan doonyaa in aan u shaqeeyo Dalka iyo Dadka aniga ma ahi ruux marka uu wax waayo dib laabanayo waxaa iga Go’an in aan Wadankaa wax u qabto intii karaankeyga ah” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo ka Dhawaajiyey in haddii uu xilka waayoo uu uu ka shaqeyn doono Jaamcadaha iyo qaybaha kale ee Warbaahinta.
“Waxaa doonyaa in aan shaqooyin u Abuuro Ardeyda ka soo Qalin Jabisa Jaamacadaha iyo Dhal;inyarada Soomaaliyeed maadaama 20 kii sanno ee la soo dhaafey ay ahaayeen kuwa ka qayb qaadanyey Burburka wadanka , waxaa u jaheyn doonaa sidoo ay uga faaiideysan lahaayeen Khayraadkooda wadanka ka buuxa“ayuu yiri Musharax Yuusuf Garaad oo sheegey in Haweenka Soomaaliyeed uu u raadin doono Xaquuqdooda ka maqan gaar haan dhinaca Baaralamaanka iyo weliba Qaybha kale ee Siyaasada
Yuusuf Garaad mar la weydiiyey in uu Wada hadal la galayo haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweyninimo Xarakada Alshabaab waxaana uu ku jawaabey “ waxay isugu jiraan Xarakada Alshabaab dad Soomaali ah iyo kuwa Ajaaniib marka kuwa Soomaaliya waxaan leeyahay hubka iska dhiga oo dadkiina Raaca hase yeeshee kuwa Ajaaniinta waxaan l;eeyahay Dalka nooga baxaan “.
Musharax Yuusuf Garaad oo intii uu soo gaarey Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo la yeelanayey Qaybaha Kala duwan ee Bulshada isagoo mar la kulmey ardeydii wax ka baratey Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed , sidoo kale waxaa uu la kulmey ama kulan balaaran la qaatey Qaybaha ka duwan ee Bulshada sida Odoyaasha , Haweenka , Dhalinyarada , Xildhibaanada Baarlamaanka , waxaana la filyaa in maalmaha yar ee ka harey Tartanka Doorashada uu sii wadi doono kulmada uu la yeelanayo Qaybaha kala duwan ee ee Bulshada.










Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|