Somali News
    Hees  

Maamulka Somaliland oo shacabkiisa u fasaxay isticmaalka iyo qaadashada baasaboorka cusub ee Soomaaliya

Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay waxa uu shacabka ku nool deegaanada ay maamulaan u ogolaadeen inay qaataan baasaboorka cusub ee Soomaaliya, isla markaasna ay dadka xujeyda ahi qaadan karaan baasaboorkaasi oo aysan wax dhib ah kala kulmi doonin.

Taliyaha waaxda socdaalka ee maamulka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan ka soo horjeedin cid kasta oo xamar u tageysa qaadashada baasaboorka cusub ee Soomaaliya si ay ugu soo xajiyaan baasaboorkaasi, maadaama sida uu yiri la diiday isticmaalka baasaboorka maamulka Somaliland.

Maxamed Cali Yuusuf Taliyaha laanta socdaalka Somaliland ayaa sheegay inysan wax dhibaato ahi ku jirin in qofka reer Somaliland ee Xajka tagaya inuu Xamar u doonto Baasaaboorka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray inay xafiiskooda ku bixiyaan baasaaboorka Somaliland, laakiin qofka Xajinaya halka uu doono uu ka soo qaadan karo baasaaboor sharci ah oo uu ku soo Xaji karo, isla markaasna aysan diidaneyn inay qaataan baasaboorka cusub ee Soomaaliya.
“Waxaan ogahay in baasaaboorkii cagaarka ahaa ee Soomaaliya inaga dhaxeeyay annaga iyo Soomaaliya ay diiday dowlada Sucuudiga in lagu xajiyo, taas oo dhibaato ku keentay dadkii Xajayeyda sanadkan aadi lahaa waajibaadka xajka, laakiin anagu halkan waxaanu ku bixinaa baasaaboorka Somaliland oo socda ciddii laga aqbalo iyo ciddii aan laga aqbalinba” ayuu yiri taliyaha socdaalka maamulka Somaliland.

“Waxaa la yiraahdaa baasaaboorkii Soomaaliya ayaa lagu Xajayaa, haddii lagu Xajiyo waxa uu la mid yahay baasaaboorada adduunka kaleba ku Xajiyo, waayo baasaaboorku waa dal ku gal, ma aha wax sinjiyadda ruuxa guuriya, waxaa kale oo dadku hadalhayaan sida Xajkan loogu tagayo Baasaaboorka, horta way Xajinayaan waxay doonaanba haku tagaane, xukuumadda Somaliland-na qofkii Xajinaya ama Xamar baasaaboor haka soo qaato ama Maraykane ee heysta dal ku gal sharci ah dowladdu way u sahleysaa, dawladuna wax dhibaato ah uma gaysanayso, waayo Ilaahay dartii ayay u socdaan” ayuu yiri markale taliyaha waaxda jinsiyadaha maamulka Somaliland.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)