Somali News
    Hees  

Golaha Guurtidda oo Diiday inay la kulmaan Salaadiin iyo Madax dhaqameed Somaliyeed oo ay Dawladda FINLAND Hargeysa u keentay inay Bartaan Hanaankii loo Yagleelay Nabadaynta Somaliland

Hargeysa Khamiis 6 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Golaha Guurtidda oo Diiday inay la kulmaan Salaadiin iyo Madax dhaqameed Somaliyeed oo ay Dawladda FINLAND Hargeysa u keentay inay Bartaan Hanaankii loo Yagleelay Nabadaynta Somaliland

Mudanayaasha Golaha Guurtidda Somaliland ayaa si adag ugu gacansaydhay inay siiyaan warbixin iyo Xogta ku duugan aasaaskii Nabadgelyo ee Somaliland Wefti ka koobnaa Salaadiin iyo Odayaal ka kala socday Somaliya iyo Puntland, kuwaasoo ay Waday Dawladda Finland.

Kulankaas oo ujeedadoodu ahayd inay qaataan Macluumaad ay ku Yagleelaan Golaha Guurtidda ee ay Beesha Caalamku doonayso inay Somaliya u dhisto, si ay ugaga daydaan Maamulka Ruuxiga ah ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland ee ay Beesha Caalamku Indhaha ka lalinayso.

Mudanayaasha Golaha Guurtida oo markii hore loogu sheegay inay la Kulmayaan Wefti ka socda Dawladda Findland oo Cadaan ah ayaa markii ay Hoolka Golaha galeen warbixinta loogu daray Weftiga inay ka mid yihiin Lix Qof oo isugu jiray Salaadiin iyo Odayaal ka soo kala jeeda Puntland iyo Somaliland, isla markaana ujeedada kulanku tahay sidii ay Macluumaad iyo Xog uga qaadan lahaayeen qaabkii ay u soo yagleeleen Golaha Guurtidda iyo Nabadgelyadda ka jirta Somaliland, balse markii uu af-ka Weftiga Finland ka ah intaasi ka soo baxday waxa gaashaanka ku daruuray Mudanayaashii Guurtida ahayd ee kulankaas ka qayb galay.

Mudanayaashu waxay si weyn uga cadhoodeen Imaatinka Weftiga Somaliya ka socda iyo Ujeedada ay Dalka u yimaadeen oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, waxaanay isla markiiba canaan u jeediyeen Xoghayaha Golaha Guurtidda C/laahi Ibraahim Habane oo ay ku Eedeeyeen inuu u soo Muuseeyay Kooxda Somalida ah, waxaanay Banaanka uga saareen Hoolkii ay fadhiyeen.

Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtidda Xildhibaan Muxumed Aw Axmed X Aadan oo ka mid ahaa Xubnihii Guurtidda ahaa ee la kulantay Weftigaasi ayaa yidhi “maadaama aynu kala nahay laba wadan wadahadaladii labada Dawaladood ee somaliya iyo somaliland u socdayna aanay waxba ka soo bixin, wax wadahadal ah iyo kulan aanu yeelanayno Salaadiinta iyo Odayaasha Somalida ahi ma jirto, laakiin qoladiinan Finland waanu wadahadli karnaa hadaad wax nooga baahan tihiin” ayuu yidhi.

Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed oo hadalka qaatay ayaa si cadho leh u yidhi “ Sifo khaldan bay ku socdaan nimankan Somalida ahi, anaga wefti Findlan ah uun baa naloo sheegay, markaa inaanu u waranaba maaha iyaga illaa ay na ictiraafaan.

Wixii na soo gaadhay ee ay koonfuri na gaadhsiisayna waxaan ku iloobi karnaa uun inay na ictiraafaan” ayuu kaga baxay Xildhibaan Cawil Xildhibaan C/qaadir Xasan Maxamed (indho Indho) oo ka hadlay kulankaasi ayaa ka waramay Macluumaadka ay Weftiga Somalida ahi ka doonayaan Miisaanka iyo Xikmadda uu ku joogo Somaliland iyo sida aanay dhayalka ugu bixinayn “waxaanu nahay wadankii ugu horeeyay ee qaab nabadgelyo barnaamijkiisa guurtinimo ku sameeyay.

Wadamo badan oo Afrikaan ah iyo kuwa eeshiyaan ahna way nagaga daydeen, diyaarna waxaanu u nahay caalamka oo dhan inaanu barno. Laakiin Somaliya waxay samaysatay dastuur anagaanay nagu darsatay waxaanay doonaysaa inay na liqdo markaa iyaga waxba barri mayno” ayuu yidhi.

Xildhibaan C/laahi Ibraahim Xirsi (dhugad) ayaa yidhi “somaliya waxay doonaysaa inay na fadhataysato. kuwa halkan na hor fadhiya(Odayaashii iyo salaadiintii isagoo farta ku fiiqaya) iyo kuwa Xamar joogaana waa iskugu kaaya mid, kolba qaar bay halkan ka kaxaynayaan oo ay ku darayaan Baarlamaankooda iyagoo aan waxba naga weydiin anaga, markaa waxaan leenahay hala sugo inta ay wadahadalada la furay wax ka soo baxayaan” ayuu kaga baxay.

Weftigan Somalida ah ee ay Dawladda Finland wadatay ayaa wada qorshe ay doonayaan inay Gole Guurti ugu sameeyaan dawladda Somaliya ee ay Beesha Caalamku ka dhisayso Muqdisho, waxaanay u muuqataa Xukuumadda Somaliland inaanay wax xog ahba ka haynin ka hor intaanay Dalka Iman Ujeedada ay u socdeen iyo Inay ka war hayso oo aanay wax Macluumaad ahba ka siinin Baarlamaanka maadaama ay iyadu hagto Siyaasadda Dalka.

Si kasta ha ahaatee talaabadda shalay Salaadiinta Somaliya ku doonaysay inay ku qaadato Xogta Sooyaalkii Dawaladdnimo ee Somaliland ayaa ah mid ay Beesha Caalamka iyo Xukuumadda Somaliya loo dhisayaaba iyaga oo aan qadarin Karaamadda iyo Dawladnimadda Somaliland kolba Gidaar isugu soo qarinayaan si ay u xadaan ama u Bililiqaystaan.

Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388
mustaqbal7@hotmail.com

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)