|
Dagaalyahano Shabab ka tirsanaa oo isku dhiibay ciidamada dawlada ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka
Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dagaalyahano Shabab ka tirsanaa oo isku dhiibay ciidamada dawlada ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka.
Sida uu ku waramayo wargeyska Daily Nation oo ka mid wargeysyada kasoo baxa wadanka Kenya oo soo xigtay saraakiisha ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya ee ku sugan koofurta Soomaaliya ayaa sheegay in boqolaal dagaalyahan oo ka tirsan Xarakadda Al-Shabab ay isku dhiibeen ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada.
Wargeyska waxaa uu ku waramaya in labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ciidamada is wata isku dhiibeen illaa iyo 200 oo dagaalyahan oo ay la socdaan saraakiil sar sare kuwaasoo badankood isku dhiibay ciidamada ku sugan degmada Afmadow.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dawlada oo wsargeyska warkaan qoray ee Daily Nation ayaa xaqiijiyay in maalintii Arbacada ay isku dhiibeen dhawr dagaalyahan oo Shabab ka tirsanaa.
Sidoo kale Cyrus Oguna oo ka mid ah afhayeenada ciidamada Kenya ayaa asna sheegay in tan iyo maalintii Talaadada ay jireen dagaalyahano isku dhiibayay oo ka goosanayay ciidamada Al-Shabab.
Cyrus Oguna ayaa sidoo kale tilmaamay inay wadaan dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan inay ku gaaraan dhanka magaalada Kismaayo.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxa dhanka Xarakadda Al-Shabab oo dagaal kula jirta ciidamada is biirsanaya ee duulaanka ku ah gobolada Jubooyinka
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|