Somali News
    Hees  

Dagaal Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xalay ka dhacay Muqdisho

Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dagaal Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xalay ka dhacay Muqdisho.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan ayaa xalay dagaal ku dhexmaray Degmada Dharkaynlay iyo isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in xalay weerar lagu soo qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen Ex-koontarool Afgooye iyo degmada Dharkeynley, gaar ahaan xaafadda Xoosh, waxaana la maqlaayay xalay rasaas culus oo labada dhinac ay isweydaarsanaayeen.

Dagaalkaasi ayaa waxaa sheegtay Al-shabaab, iyadoo ku faantay inay dagaalkaasi ku dishay ciidamadii ku sugnaa saldhigyada ay weerartay, waxaana hubkii ay labada dhinac isku adeegsadeen laga maqlay inta badan Muqdisho.

Weerarradan iyo dilalkan ayaa waxay imanayaan iyadoo diyaargarow xooggan loogu jiro doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo markii ugu horreysya ka dhacaysa Muqdisho .

Dhanka kale saddex qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho, kuwaasoo laba ka mid ah ay toogteen ciidamada dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay bambaano ku weerareen ciidammo ka sugnaa isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)