|
Musharixiinta u tartamaysa Madxweynenimada Soomaaliya oo 10-ka mid ah galabta Waxqabadkooda ka horjeedin doona Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya
Mogadishu Jimco 7 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Musharixiinta u tartamaysa Madxweynenimada Soomaaliya oo 10-ka mid ah galabta Waxqabadkooda ka horjeedin doona Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa saacad kadib la filayaa in ilaa 10-Musharax oo ka mid ah Musharixiinata Madaxtinimada Soomaaliya ayaa la filayaa inay hortagi doonaan Baarlamaanka Soomaaliya si ay ugu jeediyaan Khudbad ay uga hadlayaan waxqabadkooda, hadii la doorto.
Gudiga doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa xalay qori tuur u sameeyay 25-Musharax ee isugu soo haray tartanka Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, waxaana ugu horeyn Khudbooyinka jeedinaaya Musharixiin 10-ah oo goordhow soo bandhigaaya waxqabadkooda.
Fadhiga Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu dhaco gelinka dambe ee maanta 3-da saac ama 9-saac Galabnimo, iyadoo taasina loo sameeyay maanta oo Jimca ah salaada Jimcahana la tukanaayo.
Drs. Maryan Cariif Qaasim Gudoomiyaha Gudiga doorashada Madaxweynaha ayaa sheegtay in 10-ka musharax ay noqon doonaan kuwo Khudbado ka jeedinaya Baarlamaanka oo mid mid loogu yeeri doono, si ay u cadeeyaan waxa u qabanaayaan Bulshada markii ay ku guulaystaan Tartanka.
Musharixiinata ayaa sidaan u kala horeeya oo khudbooyinka u kala jeedin doona:
1- Axmed Ismaaciil Samatar
2- Xuseen Khaliif Jaamac
3- Max’ed Axmed Saalax
4- Cabdullaahi Axmed Caddow
5- Max’ed Cabdullaahi Ow-maar
6- Sheekh Shariif Sheekh Axmed
7- C/wali Max’ed Cali Gaas
8-Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo
9- Salaad Cali Jeelle
10- Cumar Salaad Cilmi.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|