Somali News
    Hees  

Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamanka inay soo doortaan Hogaamiye karti iyo aqoon leh

Mogadishu Jimco 7 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamanka inay soo doortaan Hogaamiye karti iyo aqoon leh

Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo maanta soo saaray bayaan ay uga hadlayaan doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay soo doortaan Hogaamiye Aragti, karti iyo aqoon leh.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in magaalada Muqdisho ay gashay waji cusub iyo is badal wanaagsan, kadib markii musharaxiin fara badan oo dalka ka yimid ay u yimaadeen inay ka qeyb galaan Tartanka doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Culimada ayaa sheegay in muddo 42-sano ay tahay doorasho xor ah oo ka dhacda Muqdisho, iyagoo soo dhoweeyay is bedelada haatan ka jira magaalada.

Waxaa ay bogaadiyeen dadaalka dhinaca ammaanka ee ka socda Muqdisho, iyagoo ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan Ciidamada amniga sidii ay u xaqiijin lahaayeen ammaanka.

Ugu dambeyn Culumaa'udiinka ayaa u rajeeyay shacabka Soomaaliyed inay helaan horumar, barwaaqo iyo nabadgelyo taam ah, waxaana hogaamiyaha cusub ee la soo dooran doono ay ugu baaqeen in dalka iyo dadka ku hogaamiyo Cadaalad iyo sinaan.



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)