|
Diyaarad Daawo u siday Gobalka Hiiraan oo Markii labaad maanta ka soo degtay garoonka Ugaas Khaliif Ugaas Rooble
Mogadishu Jimco 7 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Tan iyo Markii ay dowlada KMG Soomaaliya la wareegtay Gacan ku haynta Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobalka Hiiraan waxaa Maanta Mar kale garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif International Airport laga soo dajiyay
Diyaarad Nooca Xamuulka oo Siday Daawo faro badan oo deeq ah.
Diyaaradan siday Deeqda Daawada waxaa garoonka Ugaas khaliif kula soo wareegay Maamulka Gobalka Hiiraan ee Dowlada Soomaaliya waxaana Hor kacaayay Gudoomiye kuxigeenka Gobalka ee dhinaca Nabadgalyo Axmed Cismaan C/lle ( INJI )
Gudoomiye Kuxigeenka Gobalka Ahna ku simaha Gudoomiyaha Gobalka ayaa gudaha Garoonka ka sheegay in Maamulka uu diyaar u yahay sugida Amaanka Hay,adaha Gobalka iyo Shaqaalahoodo Ajnabi iyo Soomaali cid walba oo wax u qabaneysa
Gobalkana ay soo dhoweyn doonaan. Dhinaca Kale Xiriiriyaha Hay,adaha iyo Maamulka Gobalka Hiiraan ee Dowlada
Soomaaliya Keynidiid Muumin Cali ayaa ku tilmaamay in ay tahay talaabo hor mar leh oo lagu farxo niyad wanaagna u ah dadka Gobalka oo Mudo Sanado ah Ceeji ay ku hayeen Kooxda Alshabaab oo Nolosha u diidan dadka ay la joogaan.
Max,muud Diiriye Maxamed oo ah lataliyaha Gudoomiyaha Gobalka Hiiraa ayaa isna dhankiisa sheegay in ay diyaaradan ka soo degtay Garoonka diyaaradaha Baladweyne ay ka dambeysay ka dib markii uu maamulka Gobalka dadka uu dul
qaaday culeyska Gumeysigii Alshabaab ee nolosha ka soo horjeeda.
Dawadan Maanta soo gaartay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay noqoneysa mid wax weyn ka tari doonta xaalada Caafimaadka oo xiliyadii ugu dambeyay aanu jirin cid dhinaca caafimaadka ka taageerta dadka Gobalka tan iyo markii ay
Alshabaab Gobalka Ka mamnuuceen hay,adaha gargaraaka.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|