|
Baaq ku wajahan Xubnaha Baarlamaanka “Bilow na farxad geliyay iyo dhameystir loo aayo”
Holland Jimco 7 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Baaq ku wajahan Xubnaha Baarlamaanka “Bilow na farxad geliyay iyo dhameystir loo aayo”.
(Guddoonka Hiil-Qaran) - Marka hore guddoonka HiilQaran wuxuu xubnaha cusub ee baarlamaanka ku bogaadina sida qiimaynta mudan ay ugu guuleysteen dhamaystirka qaab dhismeedka guddoonka baarlamaanka cusub. Qaab dhismeedkaasi wuxuu shacbiga soomaaliyeed ku abuuray kalsooni xad dhaaf ah . Iyadoo loo arkay sida xilkasnimada ah ay u maareeyeen xulashada mas’uuliyiinta guddoonka baarlamaanka. Waxaana laga filayaa in hawlahooda hufnaantaasi ay ku soo xulaan ms’uuliyiin tayo leh oo karti u leh maareynta taxaddiga (challenge) adag oo loo baahan yahay in la waajaho.
Sida hore fagaarayaasha siyaasadeed iyo warbaahinnada uga sheegnay, Xisbiga HiilQaran wuxuu ka soo maaxday maskaxda aqoonyahannada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku nool kana walwalay muddo dheer dhibaatada dalkooda ka haysata hoggaanka xumida dhanka siyaasadda. Hadaba wada tashi dhexmaray 80meeyo aqoon yahanno ku kulmay aqoon isweydaarsi hal ku dheeggisa ahaa: Dhibaatada Soomaaliya iyo HIIL Aqoonyahan. Waxaana laysla gartay in doodaha lagu beddelo ficil, waxaana halkaasi ka soo baxay in la abuuro Xisbi Bulsho/siyaasi. Shirkii kaasi xigay 2bilood ka dib ayay suurta gashay in la asaaso xisbigii laga soo jeediyay shirkii HIIL Aqoonyahan. Looguna magac daro HIILQARAN; Somalinimo-Islaamnimo. Waxaana ka go’an xubnaha xisbigaan in ay u hiiliyaan qaranka Soomaaliyeed, iyagoo la kaashanaya waddaniyiinta Soomaaliyeed.
Xisbiga Hiil Qaran wuxuu ka rajaynayaa xubnaha cusub ee baarlamaanka oo ay ka muuqato dardar wadaninimo, doortayna afhayeen cusub, in ay sidoo kale doortaaan madaxweyne cusub oo aqoon, karti, hufnaan iyo waddinimo leh oo aan marna lagu sheegin dibindaabyo iyo musuqmaasuq lagu sheegin in dalkeena iyo dadkeena toona kula dhexjirin.
Guddoonka Hiil-Qaran.
Wa Billaahi Toufiq.
Mahadsanidiin
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|