|
Illaa iyo 10-ruux oo ka mid ahaa Wafdigii dalka Soomaaliya ugu qeyb galay Ciyaarihii Olombikada London oo is dhiibay (Xog iyo Magacyada Xubnaha)
Holland Jimco 7 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Illaa iyo 10-ruux oo ka mid ahaa Wafdigii dalka Soomaaliya ugu qeyb galay Ciyaarihii Olombikada London oo is dhiibay (Xog iyo Magacyada Xubnaha)
Maamulkii iyo Ciyaartoydii dalka Soomaaliya ugu qeyb gashay Ciyaarihii Olompicada London 2012, ayaa la xaqiijiyay in ay intooda badan iska dhiibeen dalka Boqortooyada Britian, xilli la sugaayay in ay dib ugu laabtaan dalka Soomaaliya, halka qaarka kale ay dib ugu laabteen dalalkii ay horey ugu yimaadeen oo ka mid ahaa Yurub, Mareykanka iyo Emarat-ka.
Warar lagu kalsoon yahay isla markaana la xaqiijiyay ayaa sheegaya in ay is dhiibeen xubno gaaraya illaa iyo 10-Ruux, oo ay ka mid yihiin, GXKL kana mid ah Guddoomiye kuxigeenada GOS, Prof. Maxamed Cali Caddow, GXSCF Prof. Maxamed Cali, Wariye Shaafici Muxiyaddiin Islow oo GOS iyo XKC u qaabilsanaa dhanka Warfaafinta, Cabdi (CIA) oo ku socday Dhaqtarka Guud ee GOS, Macalin Axmed Xoog, iyo Labada Ciyaartoy ee ka qeyb gashay Ciyaarihii London 2012, Maxamed iyo Zamzam.
Xog dheeraad ah oo la helay ayaa xaqiijinaya in Xubnaha kale ee aan Wali Magacyadooda la helin ay yihiin 3-ruux oo labo ka mid ah ay GOS qaab kale ku keentay London, halka Qofka kalena la sheegay in uu la socday Wasiirka Sportiga Dowlada KMG ee waqtigeeda dhamaaday Maxamuud Jirde Xuseen, kaasi oo lagu keenay Booskii Wasiiru Dowlihii Wasaaradaasi Prof. Qaloocow.
Xubnaha is dhiibay ayaa qaarkood la sheegay in ay Magacyada badasheen halka qaar kalena ay magacyadooda saxda ah isku dhiibeen, iyadoona Xogta hada la helayo ay sheegeeso in illaa iyo 3-ruux oo ka mid ah Xubnahaasi Marka ay is dhiibeen ka dib loo xawilay (Transfer) Gobolka la yiraahdo Leeds ee ka tirsan dalka Boqortooyada Britian.
Xoghayaha Guud ee Guddiga Olompicada Soomaaliyeed GOS, C/llaahi Axmed Tarabi oo ka mid ahaa Wafdiga GOS ugu qeyb galay London Olompic 2012, isla markaana sita Ducumentiga Socdaalka dalka Sweden (Travel Ducument) ayaa marka uu dalka Britian soo galayay kusoo galay Baasaboor Soomaali ah oo VISO Britian, saaran Asigoona xilliga uu baxayay Aan Passaborkasi istecmaalin isla markaana dib ugu laabtay Sweden, taasi oo shaki gelisay Dowlada Britian Maadaama ay ka fileesay in uu Pasaborka Soomaaliya dib ugu laabto dalka Soomaaliya, iyagoona ku daray liiska dadka loogu shakisan yahay in ay is dhiibeen.
Kusimaha Guddoomiyaha GOS Duraan Faarax ayaa Mar dhaweyd Aflagaadeeyay Warbaahinta Soomaalida Qaarkood, asigoona sheegay in ay buun buuniyeen warar aan jirin oo ahaa in ay is dhiibeen Ciyaartoydii Soomaaliya ugu qeyb gashay Ciyaarihii Olompikada, Balse Xilligaan ayaa la ogeyn in uu dib raali gelin ugu bixin doono Aflagaadada uu u geystay Warbaahinada Qaarkood iyo in kale Maadaama ay xaqiiqo noqotay is dhiibada Xubno Gaaraya 10-Ruux oo Wafdigiisa ka mid ahaa.
Salah Hassan Omer
s.dheere@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|