|
Hay'adda UNHCR oo sheegtay in wax ka yar 10 maalin 800 oo ruux ay ka barakaceen magaalada Kismaayo
Mogadishu Jimco 7 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hay'adda UNHCR oo sheegtay in wax ka yar 10 maalin 800 oo ruux ay ka barakaceen magaalada Kismaayo.
Hay’adda Q,M u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in magaalada Kismasayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose ay muddooyinkii la soo dhaafay ay ka barakaceen dad gaaraya 800 oo ruux kuwaasoo ka cabsi qaba in dagaalo ka dhacaan magaaladaas.
Afhayeen u hadlay UNHCR oo la yiraahdo Andreas Needham ayaa u sheegay saxaafadda kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Nairobi in intii u dhaxeysay 30,kii bishii August iyo 6,da bishaan September ay magaalada Kismaayo ka barakaceen dadkii ugu tirada badnaa kuwaasoo u kala jiheystay dhinacyo kala duwan.
Andreas Needham waxaa uu xusay in dadka barakacaya aysan haysan wax ay ku noolaadaan waxaana uu intaa ku daray in barakacayaashaasi ay gar gaar u baahanyihiin sida uu yiri.
Afhayeenkaan u hadlay hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR waxaa uu sidoo kale tilmaamay inay jiraan dad kale oo horey magaalada uga baxay kadib markii ay cabsi xoogan soo food saartay taasi oo ku aadan sida uu sheegay afhayeenku.
“Hadda waxaynu haynaa inay magaaladaasi ka baro kaceen 800 oo rux oo naftooda kala carayay xaaladda jirta waxayna u baahan yihiin in la caawiyo” ayuu yiri Andreas Needham oo afhayeenka hay’adda UNHCR.
UNHCR waxay sidoo kale sheegtay in dadka ka cararay magaalada Kismaayo oo u badan maato ay qaarkood ka carareen duqeymihii ka dhacay magaaladaasi ee ay geysteen maraakiibta dagaalka Kenya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|