|
Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed oo Siminaar u qabtay Haweenka ku nool degmada Lafoole.
Mogadishu Jimco 7 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed oo Siminaar u qabtay Haweenka ku nool degmada Lafoole.
Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta Siminaar looga hadlayay gar-gaarka bani'aadanimada ku qabatay degmada Lafoole ee Gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo ay ka qeyb galeen Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Saraakiil ciidan.
Ugu horeyn waxaa Siminaarka ka hadlay Gudoomiyaha degmada Lafoole C/llaahi Jaamac Siyaad oo uga mahadceliyay Hey'adda UYS dadaalkeeda ku aadan horumarinta bulshada iyo wacyi gelinta, isagoo xusay in loo baahan yahay in siminaarada ceynkan oo kale ah lagu qabto deegaanadii horay loogu barakacay oo haatan mid ka mid ah degmo loo aqoonsaday.
Waxaa uu sheegay in dhibaatooyin fara badan ay ka jirtay degmada Lafoole, xilligii ay dadka u soo barakaceen, waxaana uu xusay in gar-gaarka bani'aadanimda laga hor-istaagay dadka deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye u soo barakacay.
"Halkan markii ay joogeen Nimankii Shabaab ahaa waxaa ogtihiin inay dadka cadaadis ku hayeen, waxayna ahaayeen kuwo aan naxeyn, waxay ka wadeen lacago iyo dhaqaalo ay dadka xoog uga qaadan jireen, iyagoo dhinaca kale u diidayay Gar-gaarka bani'aanimada"ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Lafoole C/llaahi Jaamac Siyaad oo ugu baaqay shacabka deegaanka inay la shaqeeyaan maamulka iyo ciidamada ammaanka.
Gudoomiyaha Haweenka ee Hey'adda UYS Deeqo C/qaadir Axmed ayaa sheegtay in degmada Lafoole ay horay u aheyd deegaan dadka ay ku soo barakaceen, isla markaana ay saameeyeen dagaaladii ka dhacay, waxaana ay tibaaxday in dadka ay u baahan yihiin gar-gaar bani'aadanimo.
"Shalay waxay dhihi jireen Hey'adaha sama falka ma tagi karno Lafoole iyo deegaanada kale, maanta waa nabad waana laga xoreeyay kooxihii nabad diidka ahaa"ayay tiri Deeqo C/qaadir oo dhinaca kale ugu baaqday Haweenka ku dhaqan degmada Lafoole inay ka shaqeeyaan ammaanka iyo nabadgelyada deegaanka.
Sidoo kale waxaa ka hadlay siminaarka Gudoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka degmada Lafoole Salaad Aadan Cali oo sheegay in ammaanka degmada uu wanaagsan yahay, isla markaana ay soo dhoweynayaan in Hey'adda ay si joogta ah ugu qabato kulamada.
Mid ka mid ah waxgaradka degmada oo isna ka hadlay siminaarka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka wadaan degmooyinka Gobolada in caruurta ay ka aruuriyaan Dugsiyada Quraanka, waxaana uu xusay in caruurta ay u adeegsanayaan dagaalada.
Taliyaha guutada 3aad ee Ciidamada xooga dalka Jen. Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle ayaa sheegay in deegaanada loo barakacay ay la wareegeen dhamaadkii bishii May, waxaana uu tilmaamay in Al-Shabaab ay dadka ku beereen cabsi, isla markaana qofka ka soo hor-jeesta ay ugu hanjabayaan inay gowracayaan, isagoo ugu baaqay dadka ku nool deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye la shaqeeyaan Ciidamada dowladda.
Waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM aysan sii joogi doonin deegaanada, isla markaana ay ka tagayaan, waxaase uu tilmaamay in loo baahan yahay in dadka deegaanka ay ka shaqeeyaan ammaanka iyo ciidamada, waxaana uu ugu dambeyn u mahadceliyay Hey'adda UYS oo dadka isu keentay, si ay u wacyi geliso.
Ugu dambeyn waxaa siminaarka hadalo ka jeediyay ka qeyb galayaasha, gaar ahaan Haweenkii ka soo qeyb galay oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in loo qabto siminaarkii u horeeyay oo lagu wacyi geliyo, iyagoo xusay in kulamadan ay sare u qaadayaan is dhex galka bulshada.











Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|